Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Musharixiinta ugu yaabka badan ee ku jira Doorashada Madaxweynaha 2017 [Sawirro]

    Musharixiinta ugu yaabka badan ee ku jira Doorashada Madaxweynaha 2017 [Sawirro]

    February 8, 20173 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya waxaa ka mida musharaxiin og inaysan haba yaraatee lahayn wax fursad ah, hadda gaaray heerka ugu danbeeya ee tartanka.

    Qaar ka mida musharaxiintaasi waxaa u diidaya inay xilkan qabtaan awood qeybsiga beelaha ku dhisan ee jagooyinka sare, waxaana lagu tilmaami karaa kuwo u bareeray inay Bacaad Dooni ku wadaan.


    Saciid Ciise Maxamuud

    Dr. Saciid Ciise Wa aqoonyahan wax ku baray dalka iyo dibadda oo heysta shahaadada PHD, isla markaana ku cusub siyaasadda, dadaalkiisa ma xuma, isagoo khudbadiisuna ahayd mid qoran oo uu xaraf – xaraf  u akhriyay. Sidaasoo ay tahay Aqoonyahankan kuma jiro mushariaxiinta la xisaabinayo ee xitaa wax cod ah loo rajeynayo.

    Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud

    Wuxuu wax ku bartay dalka Mareykanka, isagoo la soo shaqeeyay Qaramada Midoobay iyo bulshada rayidka ah, wuxuuna isu soo taagay xilka madaxweynaha oo uu rajeynayo inuu siyaasadda Soomaaliya kursiga ugu sareeya qabto.

    Musharax Maxamed C/risaaq Maxamuud Abubakar rajadiisu waa mid hoose, waxaana qariyay siyaasiyiinta fara badan ee ololaha ku jira, iyadoo la oran karo rajo aan jirin ayuu isu sharxay.

    C/llaahi Ciilmooge Xersi

    Wuxuu soo noqday wasiir, wuxuu aasaasay xisbi, wuxuuna si weyn uga dhex muuqda ololeyaashii doorashada Jubba iyo kan madaxweynaha Soomaaliya ee xilligan, laakiin xaaladda awood qeysiga siyaasadeed ee dalka ayaa u diideysa inuu u dhowaado guul doorasho, waxaana musharaxnimadiisa ay tahay mis mustaxiil ah oo aan suuragal ahayn.

    Xaaji Maxamed Yaasiin

    Waa markii saddexaad ee uu xilkan u tartamo, wuxuuna laba jeer oo hore soo galay tartanka madaxweynaha. Doorashadii Mbaghati ee C/llaahi Yuusuf ku guuleystay wuxuu Xaaji Maxamed Yaasiin helay hal cod. Sidaas kuma harine wuxuu haddana is sharxay Doorashadaii 2012 oo sidoo kale uu laba cod helay iyo doorashadan oo uu haddana isa soo sharxay. Dad badan ayaa is weydiiyay sababta Xaaji Yaasiin  kharash iyo waqti ugu bixiyo doorasho kasta isagoo og inaanu fursad lahayn.??

    Axmed Maxamed Cabdi

    Axmed Maxamed Cabdi (Malaadiini), waa musharax ka soo jeeda gobollada Waqooyiga Soomaaliya oo aan ka mid ahayn beelaha xilkan qeybta u leh, waxaana uu muddo badan ka shaqeynayay dalka Imaaraadka Carabta oo uu sirdoonkeeda ka mid ahaa. Lama oga ujeedada uu xilkan isugu sharxay oo aan ahayn inuu doonayo is muujin iyo caan bixid.

    Maxamed cali Jabarti

    Axamed Axmed Jabarti waa ninka ugu qosolka badan uguna yaabka badan ee ku dhex jira musharixiinta, wuxuu bixiyay kharash badan oo tabartiisa ka weyn, wuxuuna isu bandhigay inuu yahay musharax shacbiyad leh oo qosol badan ka keenay xildhibaanada, kadib markii uu balanqaadyo aan macquul ahayn soo bandhigay.

    Zakariye Maxamuud Xaaji

    Waa wasiir hore dowladii Carte ee C/qaasim iyo siyaasi caan ah oo dhowaan xildhibaan ka noqday baarlamaanka cusub isagoo lagu doortay magaalada Garowe. Aftahanimadiisa iyo khibradiisa siyaasadeed uma horseedi karto jagada uu u tartamayo taasoo isaguna og yahay sida doorashadii 2012 ayaa lagu wadaa inuu codkiisa ama mid kale ka helo wareega koowaad.

    ISKU DUBA RIDKII: GOOBJOOGE.COM

    Doorashada Musharaxiin Musharaxiinta yaabka badan
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleImisa musharax ayaa ka tanaasuli doona tartanka Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya…?
    Next Article Xildhibaano ka carooday falal ay kula kaceen ciidamada AMISOM & Xaalad ka dhalatay [Sawirro]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo