Qaar ka mida musharixiinta xilka madaxweynaha kula tartamay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa bilaabay abaabul cusub oo ku saabsan qorshe xilka looga qaado.Musharaxiintan oo taageero ka helay Mareykanka waxaa ugu horeeya:
1- Shariif Sheekh Axmed
2- Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke
3- Xasan Sheekh Maxamuud
4- C/raxmaan C/shakuur Warsame
5- C/qaadir Cosoble Cali
Musharixiintan ayay hadda u muuqataa rajo ah in mooshin xil ka qaadis ah la bilaabi karo si doorasho soo hordhacday loo qabanqaabiyo sanadka 2018 horraantiisa, waxaana qorshahan oo bilow ah uu oo shaac baxay kadib markii musharaxii hore ee xilka madaxweynaha C/qaadir Cosoble Cali uu bilaabay qorshe abaabul mooshin “Impeachment” ah.
Laba ka mida mushariixiintii hore oo kala ah: Shariif Sheekh Axmed iyo Cumar C/rashiid oo dhowaan tegay Imaaraadka ayaa kulamo la qaatay madaxda dalkaasi ,waxaana wararku sheegayaan inay heshiis ku yihiin oo kaliya in la diro dowladda Farmaajo, balse dhexdooda aanay isla garan haddiiba ay dhacdo qofka hoggaanka qaban doona.
Madaxweynaha xilka banneeyay Xasan Sheekh Maxamuud oo aan ka dhex muuqan arrintan ayaa la sheegay inuu si hoose qeyb uga yahay, lana xiriiro Imaraadka.
Wadani