Dr. Abiy Ahmed Ali ayaa lagu wadaa inuu noqdo muslimkii ugu horeeyay ee Ra’iisal wasaare kan oqda dalka Itoobiya, kadib markii shalay loo doortay inuu noqdo Hogaamiyaha Xisbiga EPDRF ee talada Itoobiya haya.
Isbedelka ka dhacaya dalka Itoobiya ayaa keenay in Ninkan oo ka soo jeeda Qomiyada Oromada ay talada la wareegto iyadoo ah tan ugu badan dalkaasi oo ka dhigan 38%, waxayna dad badan saadaalinayaan in Itoobiya ay ku socoto isbedel saameyn ku yeelan doono dalkaasi, Gobolka iyo dunida kale.
Dr. Abiy ayay da’diisu tahay 42 sano jir, waana qoonyahan haysta Shahaadda PHD Political Sceince iyo Tech-olijiyada, wuxuuna darajada ciidamada ka gaaray Korneyl, isagoo ciidamada iyo hay’adaha amniga dalkaasi kusoo dhex jiray muddo 17 sano ah.
Waa iska dhalay hooyo Kirishtaan ah iyo Aabe muslim ah, waxaana dhowaan loo doortay hoggaamiyaha xisbiga OPDO ee Oromada.
Dr Abiy ayaa loo arkaa inuu yahay siyaasi firfircoon oo leh aqoonsi tacliineed iyo mid military, waxa uu shahaadada doctorate ka haystaa jaamacadda Addis Ababa wxuu sidoo kale Shahaadada Master-ka ka qaatay jaamacado ku yaal dalalka Maraykanka iyo Britain.
Wuxuu horay usoo noqday wasiir kamid ah Golaha wasiirrada, wuxuu sidoo kale kaalin mug weyn ku lahaa in dhidibada loo aaso hay’ada sirdoonka ee dalkaas.
Hase ahaatee dadka dhaliilsan ayaa shaki galinaya in loo ogolaan doono in uu awood u yeesho in uu meel mariyo isbaddaladda ay dalbanayaan dadka dimuquraadiyadda u ololeeya.