Madaxweynaha is-maamulka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa si kulul uga hadlay dagaallada ka socda dalka Itoobiya, sida Tigray iyo Axmaaradda.
Isagoo la hadlayey Odayaasha degaanka Soomaalida ayuu si cad u sheegay inaysan marna ogolaan doonin inay dib usoo laabtaan Tigreegii dhibaatada ku hayey degaanka Soomaalida iyo Itoobiya guud ahaan.
“Anaggu waxaan aaminsan nahay in Tigree oo soo laabta aanu dan noo ahayn, waayo kama waantoobayaan inay dadka dowlado u sameeyaan, taasina waxaa caddeyn u ah inay xalay Washington waraaqo ku saxiixayeen si ay u soo celiyaan Federaalkii hore ee Itoobiya” ayuu yiri madaxda dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.
Wuxuu ka hadlay tallaabada uu qaadi doono maamulka Soomaalida, wuxuuna yiri: “Annaga waxaa noo qorsheysan degaan ahaan inaanan ogolaan cid danbe oo Addis Ababa timaado oo halkan maamul u soo dhista, ama ciidan Qowmiyadeed keenta waan la dagaalami doona ciidan qowmiyad oo halkan soo gala oon ahayn ciidan Qaran”
Madaxweyne Mustafe Cgjar ayaa si kulul u yiri: “Waxaan heysanaa xoog nagu filan oo Tigreega aan ka yareyn oo wax qabsan kara.. Aroorta aad maqashaan Tigree baa Addis ababa ku socda.. waxaad ogaataan in Soomaali addis Ababa ku socotana aad maqli doontaan oo la isla gelayo.. Ma sugeyno, mana dhici doonto inay dowlad nagu noqdaan diyaardo iyo Taangiyo soo qaataan oon Jigjiga ku dagaallano”
Wuxu usheegay inay diyaar gatow ku jiraan xilligan oo Itoobiya aanay siyaasad ka socon ee dagaalku ka socdo, ayna wadaan la-tashiyo badan, balse ay diyaar garoobeen, ayna heystaan ciidamo ku filan.
