Fowdo, buuq iyo s barbar yaac aya hareeyay soo dhoweyntii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Axmed oo maanta soo gaaray Muqdisho.Dad kala duwan oo koox waliba ay dooneysay inay guddoomiyaha cusub u dhowaato ayaa isku jiiray la wareegidda guddoomiyaha, waxaana ay isku dayeen qaarkood inay u diidaan salaamidda xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale oo halkaas u tegay soo dhoweynta.
Mararka qaar ayaa lagu sigtay in la isu gacan qaado iyadoo goobta ay ahayd meel ciriiri ah oo qof waliba doonayay inuu tallaabo qaado, waxayna isu bedeshay xaalad aan la xamili karin oo faraha ka baxday.
Kooxaha hoos carara madaxda ayaa awood badan ku leh mas’uuliyiinta waxayna qofkii xil loo dhiibo ka dhigtaan maxbuus ay iyaga u xiran oo rabitaankooda ku shaqeeya, taasoo si weyn uga muuqatay soo dhoweyntii maanta.
DHINACA SARE KA DAAWO VIDEO
Wadani.com