Laba ka mida raggii ka dambeeyay weerarkii gaariga iyo Mindiyaha loo adeegsaday ee Sabtidii ka dhacay magaalada London ayaa la shaaciyay muuqaaladooda.
Booliska UK ayaa magacaabay labadan nin oo kala ah Khuram Butt oo ah 27 sano jir ku dhashay Pakistan iyo Rashid Redouane oo ah 30 jir oo la sheegay inuu yahay Marookaan kasoo jeeda Liibiya.
Sirdoonka UK ee MI5 ayaa la sheegay inuu raggan ku daba jiray, lana socda dhaqdhaqaaqooda, laakiin aanay ogaan inay weerar qorsheynayeen.
Labada nin ee muuqaaladooda la shaaciyay iyo nin kale ayaa weerarka ka danbeeyay iyagoo ay toogteen booliska markii ay weerar Mindiyo ku qaadeen dad ku sugnaa Buundada London.
SAWIRRO