Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay soo afjartay howlgalkii hotelka Dusit ee magaalada Nairobi oo ay galabta weerar ku galeen dabley ka tirsan Alshabaab, kadib qaraxyo ka dhacay goobtaasi.
Muuqaallo laga helay CCTV ayaa muujiyey afar ka mida dableyda weerartay hotelka oo midkood si fiican loo arki karo wejigiisa, waxayna u muuqdeen Soomaali, sida ay sheegatay kooxda Alshabaab.
Xoghayaha Arrimaha gudaha Kenya Fred Matiang’i ayaa sheegay in dhismaha Dusit iyo Hotelka ay amngiisa sugeen ciidamada amniga oo dhamaan dableydii weerarka soo qaaday la baabi’iyey, iyadoo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta lagu wargeliyey howlgalka.
Qasaaraaha weerarka ayaa soo baxaya iyadoo dhimashada lagu sheegay 5, halka dhaawaca ka badan yahay 15. Ciidamada Kenya ayaa weli wada nadiifinta dhismaha weerarku ka dhacay.