Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Sunday, June 7
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Federaalka»Muuse Biixi: “Dawlad waqtigeedii dhammaaday, oon sharci u kordhin ayaa ka-talisa Muqdisho, doorashana uma jeeddo”

    Muuse Biixi: “Dawlad waqtigeedii dhammaaday, oon sharci u kordhin ayaa ka-talisa Muqdisho, doorashana uma jeeddo”

    March 8, 2021Updated:March 8, 20214 Mins Read Federaalka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Somalialnd Muuse Biixi Cabdi ayaa Khudbad-Sannadeedkiisa maanta u jeediyey Golayaasha Somaliland, isagoo si faahfaahsan uga hadlay xaalada maamulkiisa ee dhinac waliba leh.

    Qeybta hoose waxaanu kasoo qaadanay qeybta quseysa xaaladda Soomaaliya iyo wadahadalkii dhex maray Dowladda Federaalka iyo Somaliland, wuxuu kaloo kusoo qaaday Doorashooyinka Soomaaliya iyo xiriirka Somaliland iyo Kenya.

    HOOS KA AKHRISO

    Wada-hadallada Somaliland iyo SoomaaliyaXukuumadda Somaliland oo ay ka go’an tahay xaqiijinta madax-bannaanida Somaliland, culays kasta oo ay ku kacayso, waxa ay goosatay in ay fagaare walba iyo cid kasta oo ay danta Somaliland gasho, in ay waajahdo.

    Sidaa darteed, waxa aannu ogolaanay in la amba-qaado wada-hadalladii innaga iyo Soomaaliya ka dhex socday ee taagnaa muddada dheer. Sida aad ka war-qabteen, waxa la iskugu yimi Shir-Madaxeedkii ka qabsoomay dalka Jabuuti. Xog-ogaal baad u tihiin in uu ahaa fagaare caalami ah oo weftigii aan hoggaaminayey si kalsooni leh, oo badheedh ah u soo bandhigay qadiyaddeena.

    Madaxweynaha Jabuuti waxaannu uga mahad-celinaynaa in uu ku hoggaamiyey shirkaasi waayo-aragnimo, xog-ogaalnimo iyo dhex-dhexaadnimo milgo leh. Mudanayaal iyo Marwooyin, Shirkaa waxa ku xigay Marti-qaadkii Madaxweynaha Kenya, Mudane Madaxweyne Uhuru Kenyatta, uu innagu casuumay Dalkiisa.

    Waad wada og-tihiin hab-maamuuskii iyo karaamadii uu ku qaabilay weftigii aan hoggaaminayey. Waad wada aragteen War-murtiyeedkii labada Dawladood soo wada saareen ee la baahiyey. Waad ka dharagsan tihiin colaaddii iyo calool xumadii ka soo butaacday Xukuumaddii maalintaa Xamar ka talinaysay iyo go’aankii ay soo saartay.

    Go’aankaasi umuu jeedin Dawladda Kenya, balse waxa uu qeexayey heerka naca iyo cadaawadda ee ay Dawladdaasi u qabtay Shacabka iyo Qarannimada Somaliland. Waxa ka horraysay iyana, in ay kula kacday nac iyo colaad taas oo kale ah dalka Gini oo innagu marti-galiyey dalkiisa.Waxa aan uga mahad-celinayaa Madaxweynayaasha Dalalka Kenya iyo Gini sidii milgaha lahayd ee ay innoo soo dhaweeyeen iyo go’aankii geesinnimada lahaa ee ay qaateen.

    Walaalayaal, Halkaa waxa innooga cad heerka ay gaadhsiisan tahay cadaawadda la innoo qabo. Balse dhammaan safaraddii iyo wada-hadalladii aynu galnay sannadkii tagay waxa Somaliland uga soo go’ay midho la taaban karo oo ah in Qadiyadda Somaliland tahay Qadiyad Caalami ah oo aan la dhayalsan karin.

    Waxa kale oo aynu kasbannay Saaxiibo hor leh oo aan ku yeelanay Afrika iyo Adduunkaba.Qaramada Midoobay (United Nations) Dhismaha Qaramada Midoobay waxa saldhig u ah Dhawrista Xuquuqda Aadamaha iyo Xaqa Ummadi u leedahay Aaya-ka-tashigeeda. Waxa Shacabka Somaliland ka xun yahay in Qaramada Midoobay marnaba ixtiraamin Mabaadiida Saldhiga u ah Dhismaha Qaramada Midoobay, marka loo eego sida ay indhaha uga lalisayRabitaanka iyo go’aammadii masiiriga ahaaee Shacabka Somaliland gaadhay 18-kii May 1991.

    Shacabka Somaliland, markii ay bur-burtay Dawladdii lagu midoobay, waxa ay go’aansadeen, iyaga oo isku dhan, in ay ka baxaan midowgaasi. Waxa ay qaateen in ay dhistaan Dawladda Somaliland. Somaliland waxa ay qaadday jidka nabadda, Dawlad dhiska, Dimuqraadiyadda, Doorashooyin qof iyo cod ah, Is-beddelka hoggaanka dalka oo u dhaca si nabad ah. Balse Qaramada Midoobay marna kamay hadal, kamanay garaabin, qadarintii iyo ixtiraamkii ay ka mudnaydna ka may helin Somaliland.

    Waxa yaab leh in Dawladaha qaarkood ay aqoonsi iyo taageero Maaliyadeedba ay siiyaan Soomaaliya, oo qaadatay jidkii bur-burka, Fawdada, qaska siyaasadda iyo jah-wareerka. Saw lama odhan karo Dawladaha hubka iyo dhaqaalaha ku dal-dalaya Soomaaliya waxa ay ka leeyihiin dano guracan oo kollayba ka fog kuwo dan u ah Shacabka Soomaaliya. Maanta waad og-tihiinoo Dawlad wakhtigeedii dhammaaday, oo aan sharci u kordhin ayaa ka-talisa Muqdisho, doorashana uma jeeddo, waliba sida Warbaahintu sheegayso, Xubnaha Beesha Caalamka ka jooga Xamarwali mawqifka ay ka qabaan Dawladdaa wakhtigeedii dhammaaday ma cadda.

    Waxa intaa dheer, oo Somaliland gar-darro ku ah, in Qodobbada la isku haysto ay ka mid tahay wax loogu yeedhay Xubnaha Baarlamaanka Muqdisho ee Gobollada Waqooyi. Somaliland aad bay uga xun tahay in loogu yeedho Gobollada Waqooyi. Somaliland gar-darro cad bay u aragtaa in la yidhaahdo Xubno Baarlamaan oo lagu sheego in ay matalayaan Somaliland ayaa fadhiya Xamar. Shacabka Soomaaliya waxa aan leeyahay, yaanu aayihiinna ka talin nin dalkiisii fakad ka ah, idinkana aan idiin tudhayn.

    Xubnaha Somaliland u dhashay ee hawshaa ku foogan waxaan u sheegayaa in Shuruucdii lagula dhaqmi jiray aad loo adkaynayo, waayo waxa inoo fududaatay in la yidhaahdo waa hebel oo waa nin weynoo dalkiisii kusoo noqdaye halla saamaxo, kii la saamaxay baa noqday oo imika ka taliya meeshii, dee caqli ma aha oo qarannimaday meel kaga dhacay, laakiin sharcigii adkaa ee aad meelmariseen ee ahaa illaa maxkamad la mariyo lama saamixi karo, ayaa lagu dhaqayaa haku talo galaan.

    Doorashada Muuse Biixi Somaliland Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleC/raxman C/shakur: “Farmaajo wuxuu doonayaa inaan kala doorano diktatooriyadiisa ama dirir sokeeye”
    Next Article Midowga Musharixiinta oo Qoraal aan hore loo arag u diray Dowladaha iyo Ururrada saameynta ku leh Somaliya

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo