Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta dib ugu laabtay magaalada Hargeysa, kadib socdaal muran dhaliyey oo uu ku tegay dalka Guinea ayaa si weyn u cambaareeyay tallaabada dowladda Somalia xiriirka ugu jartay dowladii uu booqday.
Muuse Biixi ayaa sheegay in tallaabada ay qaaday dowladda Somalia ay ka dhigan tahay gef ay u geysteen dalka Gini iyo mid kale oo ay Somaliland u geysteen, kaasoo ka dhigan inaysan noqon karin dal, wuxuuna ku goodiyey inay diyaar u yihiin inay ka dagaalamaan haddii loo baahdo cudud dhibaatadda ay wado dowladda Somalia, isagoo sheegay in dalka Gini uu qadiyadda Somaliland geyn doono Midowga Afrika.
“Warka kasoo yeeray dowladda Xamar fadhida ee AMISOM ilaaliso waa mid la iska yiri, waxaan leeyahay annagu ma nihin Maamul Goboleed, wadamo badan ayaan tageynaa kuwo kalena horay ayaan u tagnay ayuu yiri…” Madaxweyne Somaliland Muuse Biixi Cabdi. oo ka hadlayey magaalda Hargeysa.
Isagoo sii hadlayey ayuu si toos ah u weerarray Madaxweyne Farmaajo, wuxuuna sheegay in warkiisa aanu waxba uga duwaneyn Dameer ciyey, sida uu yiri.