Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa galabta ka dhoofay Garoonka magaalada Hargeysa, isagoo hogaamiyey wafdi wasiiro iyo mucaarad isugu jira, kuna sii jeeda magaalada Abu dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta.
Wafdiga Muuse Biixi ayaa la sheegay inuu casuumaad rasmi ah ka helay Dhaxalsugaha Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Bin Zayid, waxaana wafdiga ka mida hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka UCID Feysal Cali Waraabe iyo ilaa lix wasiir oo ay ka mid yihiin wasiirka Arrimaha dibada & wasiiro kale.
Wararka ayaa sheegaya in Imaaraadka ay taageero dhaqaale siin doonto maamulka Somaliland, kadib murankii ka dhashay heshiis Imaaraadku kula wareegay dekadda Berbera, kadibna lagu biiriyey dalka Itoobiya.
Dowladda Imaaraadka ayaa u muuqata inay go’aansatay faragelin toos ah oo ay ku sameyso arrimaha Soomaaliya, iyadoo iska indha tireysa dowladda Federaalka Somalia.