Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu eedeeyay inuu doonayo muddo kororsi uu xafiiska kusii joogo kadib Novembar 2022 o ay ku egtahay middo xileedkiisii 5-ta sano ahaa.
Waxaa Muuse Biixi si weyn loogu amaanay Doorashadii Golayaasha Wakiilada iyo Degaanka ee Somailand oo dhacday Jun 2021, laakiin guuldarradii xisbigiisa Kulmiye kasoo gaartay ayaa hadda waay u muuqataa inuu qaatay dariiq la mida kii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo isku dayey inu muddo kororsi laba sano sameysto.
Waxaa xalay natiijo la’aan kusoo dhamaaday wadahadallo u dhaxeeyay xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland, iyadoo khilaaf weyni ka taagan yahay Doorashada madaxtinimada iyo furista Xibsiyada ee is dhex galay.
Sida Farmaajo oo ‘Doorasho Qof iyo Cod’ ah ugu adeegsaday inuu xilka kusii joogo wuxuu Muuse Biixi la yimid Qorshaha ‘Furista Xisbiyadda’ oo ahayd arrin si weyn Somaliland looga raadinayey iyo xuquuq ka maqneyd siyaasiyiinta degaankaasi, isagoo kusoo beegay xilli ay bilo yar ka harsan tihiin muddo xileedkiisa.
Muuse Biixi oo mucaaradka kasoo horjeeda ay fahamsan yihiin inuu arrinta ‘Furista Xisbiyada’ uga dan leeyahay xukun dheereysi ee aysan ka ahayn daacad ayaa hadda ku adkeysanaya Qorsihiisa oo xilligan Somaliland ka abuuray xaalad kacsan iyo kacdoon qaab beeleed siyaasadeysan ah.
Madaxda Mucaaradka Somaliland oo ay hoggaaminayaan xisiyada Waddani iyo UCID ayaa bilaabay inay u hanjabaan Muuse Biixi, sidii Midowgii Musharixiinta ee Muqdisho, iyagoo weliba ku goodinaya gacan ka hadal iyo inuusan maalin qura ku darsan karin Muuse Biixi.
Sida Odayaasha Beelaha Muqdisho iyo saraakiishii badbaado Qaran ayey Caaqilada Beelaha Somaliland iyo Mujaahidiintii SNM qaarkood warbaahinta hanjabaad u marinayaan Muuse Biixi, waxayna xiisada siyaasadda gaartay meel halis ah.
Siyaasiyiinta Muxaafidka ee Muuse Biixi raacsan iyo kuwa Mucaaradka ee xisbiyada ee Waddani iyo UCID ayaa xaaladda uga sii daraya iyagoo qaab beeleysan isu weerarraya, waxaana Beesha ugu weyn ee Mucaaradka u aragtaa in xilka Madaxweynaha ay markan xaq u leedahay oo wax badan samirtay.
Muuse Biixi wuxuu iminka marayaa inuu dhageysan waayo dalakba Isbaheysiga WADDANI iyo UCID, iskana diido wax tanaasul ah, sidii Farmajo yeelay 2022 iyo 2021, isagoo xoogga saaraya qorshaha furista xisbiyada cusub xilli kala guur ah.
Waxaa gebi ahaan meesha ka baxay Guddigii Doorashada oo is wada casilay, taasina waxay xaqiijisay inaysan doorasho xiligan ka dhici karin Somaliland. Muuse Biixi wuxuu qeyb weyn ku lahaa burburka Guddigii Doorashada.
Madaxda Mucaaradka oo ku baaqay doorasho nabadeed iyo Muuse Biixi oo mamnuucay isu soo bax siyaasadeed, waxay dadka dib u xusuusisay halgankii Farmaajo iyo Midowgii Musharixiinta dhex maray markii uu gaaray heerkii ugu sareeyay, kadibna gacan-ka-hadalka uu yimid.
Wuxuu Muuse Biixi is moogeysiinaya waqtiga yar ee muddo xileedkiisa ka haray ee u baahan in la guda galo qabanqaabada doorashada Madaxweynaha Somaliland. Wuxuu kaloo qalalaase ka dhex abuuray Guddigii Doorashada Somaliland si aysan suuragal ugu noqon inay doorasho qabtaan waqti dhow.
Haddii aanu Muuse Biixi xaqiiqada u soo laaban, iska dhaafin hamigiisa muddo kororsiga ah, waxaa muuqata inuu mari doono dariiqii Farmaajo, inkastoo qalalaase iyo dagaalo ka dhaca Somaliland ay mar kasta ka hortagaan odayaasha dhaqanka degaanadaasi oo awood buuxda leh, taasoo ah rajada kaliya ee la qabo.

Wadani.net