Wafdigii madaxweynaha Somaliland ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Hargeysa, iyadoo si weyn loogu dhoweeyay, ayna isu soo baxeen dadweyne fara badan.
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa la arkayey isagoo Gaarigii uu saarnaa dushiisa ka salaamaya dadweynaha oo ay ka muuqatay xamaasad iyo guul siyaasadeed oo ay Somaliland ka gaartay wadahadallkii ay la gashay dowladda soomaaliya, inkastoo aanay jirin wax lagu heshiiyey oo guddi loo saaray arrimihii la isku hayey.
Wafdiga Somaliland ee ka qey galay shirkii Jabuuti ayaa ahaa xubno kala hadlaya oo qaarkood ay dhowr jeer sheegeen in shirka lagu kala tegay.
“Dadka nala doodayay ma ahayn dad fahamsan waaqiciga jira.. wuxuu ahaa shirku mid aad u adag.. Xalay waa la kala kacay; waa run, laakiin dowladda Jabuuti ayaa soo dhex gashay..” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlayey munaasabad soo dhoweyntiisa.
Akhriso: War-Murtiyeedkii Shirka Jabuuti
