Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in Somaliland ay tahay Qaran soo jiray 58 sano oo ka horeeyay Somalia iyo Jabuuti.
Isagoo ka hadlayey munaasanadda xoriyadda Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ayuu sheegay in Gobonnimadaa ay Somaliland heshay ay ahayd tii ugu horraysay ee dad Afka Soomaaliga ku hadlaa ay qaataan, sida uu yiri.
“Way jireen qaybo dhulalka kale katirsan, sida Itoobiya iyo Kiiniya, laakiin Jabuuti iyo Soomaaliyaba waxa ka horraysay Somaliland. Somaliland waxa ay ahayd qaran ku dhisan xuduudihii isticmaarku kaga tegay Afrika ee ay Afrikana ku heshiisay 1964-kii, maantana ururka Afrika ee dhisan uu ku dhisan yahay” ayuu yiri Muuse Biixi oo farriin u diray Soomaalida kale.
HOOS KA DAAWO