Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa lagu soo dhoweeyay magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.
Wafdiga Madaxweynaha Somaliland ayaa ka kooban 8 xubnood oo heer sare ah, waxayna ka qey geli doonaan wadahadal dhex maraya madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo shirka uu guddoominayo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Gelele, goobjoogna uu ka yahay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.
Shirka waxaa soo qabanqaabiyey oo dadaal badan geliyay dowladda Mareykanka, waxaana la sheegay inuu shirku qeybo kala heer ah isugu jiro.
SAWIRRADA