Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa tilmaamo yaab leh ka bixiyey madaxweynaha uddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Isagoo ka hadalyey munaasanad ka dhacday magaalada Muqdisho ayuu sheegay in xil kasta oo Farmaajo loo dhiibay si aanu raali ka ahayn looga qaadayey, haddana xitaa haddii ay doorasho dhacdo oo laga guuleysto aanu bixi doonin ilaa awood looga saro Madaxtooyada.
“Ninkaan taariikhdiisa haddii laga sheekeeyo meel walba isagoo ku dhegan ayaa laga fujinaayey, meel waa lagu feeraayey. Meelaha qaarna waa lagu xiraayay. Haddana in xoog looga baxsho maahee iska bax ku bixi maayo. Xataa haddii food[cod] looga raayo lagama yaabo inow caqli celsho”. ayuu yiri Muuse Suudi oo amaan iyo bogaadin u jeediyey ciidamadii badbaado Qaran.
Senator Xaaji Muuse Suudi wuxuu kaloo uu sheegay in xilligii uu Farmaajo iska casilay xilka Ra’iisal wasaaraha 2011 inuu xafiiskii iska dhex fadhiistay 27 maamood illaa uu askarta AMISOM ay ka qaadeen meesha “Sidii Mukulaal (Bisad) Cid iska dhaqaajihee ayaaa loo dhaqaajiyay” ayuuna daba dhigay.
Muuse Suudi ayaa ka mida siyaasiyiinta sida weyn u dhaliila Maxamed Farmaajo, wuxuuna mucaarad ku ahaa intii uu xilka hayey oo dhan.
