Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Bulshada»Muwaadin Soomaali ah oo Dalka Kaambodiya ku go’doonsan 18 sano!! [AKHRI QISADA OO CAAWI]

    Muwaadin Soomaali ah oo Dalka Kaambodiya ku go’doonsan 18 sano!! [AKHRI QISADA OO CAAWI]

    May 26, 20165 Mins Read Bulshada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Abdulkadir Dahir Muse Waa Muwaadin Soomaaliyeed, waxana uu kunoolyahay Wadanka Cambodia oo dhaca koonfur Bari Asia. Abdulkadir waa oday da’diisu tahay 55 sano jir.

    Waxaan kula kulmay Magaalada Phnom Pehn oo ah caasimadda Cambodia anagoo si lama filaan ah isaga soo horbaxnay meel suuq ah oo ah bartamaha magaaladaasi Phnom Pehn. Waxay ila ahayd yaab inaan qof Soomaaliyeed oo kudhexnool wadan kani kudhex arko.

    Abdulkadir oo ay kamuuqatay duruuf aad uqalafsan oo nololeed oo run ahaantii murugo kugelinaysa markaad aragto ayay iisuura gashay inaan bal waraysto oo xaaladdiisa wax ka ogaado. Runtii intii aanu sheekaysanayney Abdulkadir waxay ii ahayd saacado murugo badan sababtoo ah waxyaalaha uu iiga sheekeeyey waxay ahaayeen dhibaatooyin ka turjumaya sida uu qarankii sooomaaliyeed u burburay oo umaddiisii ay u kala bayhooftay.

    Abdulkadir, sida uu iigu waramay wuxuu wadankanii kasoobaxay dhamaadkii sanadkii 1998 isagoo xiligaasi kasoo ambabaxay magaala xeebeedka Kismaayo ee xarunta Jubada hoose wuxuuna sida uu ii sheegay kasoo cararay dagaaladii Kaholcayey wadanka gudihiisa. Abdulkadir wuxuu xilligaasi go’aansaday inuu u cararo meel uu isna amaan ka helayo shaqo iyo mustaqbal fiicanna uu kahelayo si uu u caawiyo ciyaalkiisa iyo reerkiisa waasida uu isagu iigu waramaye.

    Waxa uu kismaayo kasooraacay markab nooca jiriifka ah oo ka kaluumaysanayey xeebaha gobolka jubada hoose. Markabkaasi wuxuu ahaa markab laga leeyahay wadanka Jamhuuriyadda dadka ee China. Waxay shaqaalihii Markabkaasi usheegeen inay geyndoonaan Wadanka Japan ama South Korea iyagoo ka qaatay lacag gaadhaysa laba kun oo doolar ($2000) oo ahayd lacag ay qaraabadiisu usoo uruuriyeen.

    Abdulkadir oo sida uu sheegay muddo dheer badda kujiray markabkuu saarnaana ay dhibaato kaga dhacday maadaama ay muddo sanad iyo dheeraad ah kushaqaysanayeen qolyaha markabkaasi watay oo ahaa jiriiflayaal waxay ugu dambayntii kusootuureen xeebta magaalo layidhaaho Sihanoukville oo kutaalada dhinaca koonfur galbeed ee wadanka Cambodia dhacdana dhinaca gacanka Thailand.

    Sida uu iigu waramay Abdulkadir waxa ay usheegeen Nimankii watay Markabku inay tahay meesha ay kudajiyeen wadanka Japan. Hayeeshee uu kuwar helay in meeshu ay tahay wadankale oo aan ahayn wadankuu kusocday ee Japan balse ay tahay meeshu Cambodia. Waxaana halkaasi kuxiray Police ka boqortooyada Cambodia oo markii dambe usii dhaadhiciyey caasimadda wadanka ee Phnom Pehn halkaas oo muddo kadib ay siidaayeen oo isaga oo aan wax lacag iyo kharash haysani uu muddo kunoolaa daafaha magaalada.

    Abdulkadir oo xilligan umuuqda inuu yahay qof ay waxyeelo dhinaca maskaxda iyo mooralka ba ahi ay kureebtay rafaadka iyo silica uu lakulmay intii uu kunoolaa wadankani wuxuu iisheegay abaaro 2001 inuu tegey xarun ay hay’adda UNHCR kuleedahay wadanka Cambodia halkaasoo loogu aqoon saday inuu yahay qaxooti xoogaa lacag ah oo aan nolol ahaan kufilnayna ay siin jireen.

    Cqaadir Daahir2

    Sida uu iisheegay Abdulkadir muddo gaaban kadib hay’addii UNHCR waa ay kaguurtay wadanka iyada oo uu halkaas kunoqday qof aan meelna waxba kasoogelin wadankana aan kashaqaysankarin maadaama ay mamnuuckatahay inuu kashaqeeyo lana xirayo haddii uu isku dayo.

    Waxaa iyana naxdin iyo oohin igelisay in Abdulkadir iisheegay inuusan garanayn meel uu kusheego ciyaal uudhalay oo labo ah oo ay uugu war dambaysey xilligii uu kasoo baxay Somalia. Sidookale aysan ismaqlin Qarabadii iyo eheladii kale isagoo aan sidookale lahayn wax isgaarsiin ah ama telephone ay kawada xiriiri karaan qaraabadiisii iyo ubadkiisii.

    Abdulkadir oo run ahaantii aad u dactaraysan wuxuu i tusay dhibaatooyin loogaystay oo jirdil ah oo ay ugeysteen ciidamada police ka wadankani iyo dad kale oo udhashay wadankani, isagoo sidookale iisheegay in aad loocunsuriyo sababtoo ah waaxaan ahay buuyidhi qof madow sidaas daraadeed baana la ii midab takooraa ayuu iyidhi Abdulkadir oo ay ilmo indhihiisa ka qubanaysey taasoo aniga shaqsi ahaan taydana iga oohisey. Abdulkadir waxa uu sidookale iisheegay in hadda kahor ay sumeeyeen niman Masaari ah oo ay sun cunto uugu dareen taasoo uu iisheegay in uu muddo kajiranaa xiniinyaha. Sababta ay usumeeyeen masaaridaasi ilaa hadda magaranayo.

    Sidoo kale Abdulkadir waxa uu iisheegay in sanado hore ay hay’adda UNHCR ay dibu dajin kasiin lahayd wadanka Canada hayeeshee uu kiiskiisii gubtay sababta oo ah buuyidhi waxaa i dacweeyey oo iga hor istaagey qof haweeney ah oo Islam ah oo wadankan kunoolayd una dhalatay wadanka Vietnam iyadoo samaysay buuyidhi mu’aamaraad been ah oo ah inaan xoogay. Taasina waxay sababtay inaanan hay’adna wax iiqaban wadanka gudihiisana aanan ka bixinkarin oo aan kujiro buuyidhi “Blacklist” .

    Abdulkadir oo ah muwaadin Somaliyeed waa muwaadinka keliya ee somaliyeed oo kunool wadankani si rasmi ah waana muwaadin aad uugu dayacan wadankan wuxuu seexdaa meel aad udayacan oo kiro ah iyadoo hay’ada IOM ay kabixiso kirada buushkaasi uu kunoolyahay oo qiimaha kirada uu iigu sheegay $40, halka ay biil ahaana u siiyaan $40 oo runtii wadankan oo noloshiisu qaali tahay aadan kunoolaan karayn 5 casho oo keliya.

    Ugu dambayntii waxaan article kan ama qoraalkan uugu daabacay wall kayga in loo gurmado muwaadinkan Somaliyeed oo ciddii qaraabadiisa garanaysa ay raadiyaan loona naadiyo ehelkiisii iyo ciyaalkiisii oo uusan arag muddo 16 sano kabadan. Waxaan sidookale umadda Somaliyeed ka codsanayaa in walaalkeen Abdulkadir loo gargaaro oo dhibaatada uu ku jiro looga caawiyo iyadoo ciddii ehelkiisii garanaysa ama cid taqaana garanaysa ay deg deg uula xiriiraan.

    Abdulkadir Waxa uu hadda umuuqdaa qof aad uxanuunsan dhinaca moralka isagoo sidoo kale welwel baqdin ahi ay kujirto taasoo ay sabab u atahy aniga fekreddayda moralka ka jabay iyo rafaadka uu kujiray mudadda dheer. Aniga oo safar Gaaban ku joogay wadankan dhowaana kalaaban doona haddii ilaahay yidhaaho waxaan iskudeyeyaa inaan kuxidho ama usahlo ciddii garanaysa ama ilaa hay dartiis u caawinaysa.

    Waxaan sidoo kale sawiradiisa ku lifaaqay qoraalkan. Taasi oo sahli doonta in ciddii garanaysaa ay aqoonsato. Ciddii ehel ah ama taqaan Abdulkadir iyo qoyskiisa fadlan waxay kala soo xiriiri karaan Number kan hoos ku qoran ama bartan facebook ga bay fariin iigu reebi karaan.

    Ciddii garanaysa ama caawinaysa waxay kala sooxiriiri karaan telephone Number kan : +85587941383

    Magaciisa oo saddexan waa” Abdulkadir Dahir Musse, wuxuuna sida uu iisheegay kasoo jeedaa Gobolka Nugaal ee waqooyi bari Somalia.

    Prince Remo Mahdi

    Mohamoud Mohamed Salad

    Adam Hassan Faisal

    Roble Maxamed Abdirahman

    Ismacil Hodan Nalayeh

    Ismael Gaani Mohamud

    Mohamed Hassan

    Amina Ladan Axmed

    Waxaa la kulmey C/fitaax Maxamed Muuse

    Muwaadin Soomaali ah oo Dalka Kaambodiya ku go'doonsan 18 sano!!
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleKenya refugee camps: Somalia president warns against closure
    Next Article Alshabaab oo weerar kale oo culus ku qaaday Degmada Ceelwaaq

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo