Aabe wiilkiisa ku dilay magaalada Jowhar ayaa faahfaahin ka bixiyey sababta dhalisay inuu dilo wiilkaasi, isagoo ku xiran saldhigga magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.
Taliska ciidamada Booliska Jowhar ayaa soo bandhigay Aabe Muxumed Dhaayow Aadan oo gacmaha iyo luga ka xirixiray, kadibna webiga Shabeelle ku riday wiilkiisa Xasan Muxumed, kaasoo webiga ku dhintay, waxaana gacanta kusoo dhigay ciidamada Booliska, kadib markii uu baxsaday.
“Waa qabtay waa xirxiray, kadibna webigaan ku tuuray.. Waxaa igi kalifay inaan dilo, wuxuu noqday Cabtooy wuxuu halis geliyay nafteyda iyo xoolaheyga.. 9 Sac oo mid irmaan ku jiro ayuu iga qashay.. deriskana waa dhammeeyay xoolaheyga, wax uu dhaafayo ma jirin.. waan daalay sidii aan hanti uu qaatay uga gudaayey.. markii danbe afxumo ayuu ii keenay iyo waan ku tumaa…habeen horaan qabtay, waan xirxiray webiga ayaan ku riday..” ayuu yiri Aabe Muxumed Dhaayow oo faahfaahin ka bixiyey sababta ku kalifgay inuu webiga ku rido, sidaasina ku dilo wiil uu dhalay.

Wuxuu ahaa 20 jir ka hallaabay oo xashiishka cabi jiray, kna noqday Cabtooy dhibaato ku hayey xoolihiisa iyo naftiisa, wax badanna laga waayey inuu soo tooso.
Waa dilkii labaad ee ka dhaca magaalada Jowhar oo aabe uu ku dilo wiil uu dhalay, iyadoo hore aabe kale oo la sheegay inuusan miyirkiisu dhammeyn uu magaalada ku gowracay wiil uu dhalay oo 14 sano jir ahaa.