Alshabaab ayaa War kasoo saartay Dabkii weynaa ee baabi’iyey Suuqa weyn ee magaalada Hargeysa, iyadoo Qoraal kasoo baxay Amiirka Xarakada lagu sheegay inay xanuunka la qeybsanayaan dadka qasaaraha kasoo gaaray Dabkaasi.
Qoraalka Amiirka Alshabaab ayaa Umadda Islaamka loogu tahniyadeeyey bilashada bisha barakeysan ee Ramadan, iyadoo sidoo kale uu ka tacsiyadeeyay musiibadii ka dhalatay dabkii xooganaa ee ka dhacay suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa.
Bayaankan hoggaanka Alshabaab oo lagu qoray Af-carabi ayaa lagu sheegay inay dadka Muslimiinta ah ee reer Hargeysa la qeybsaneyso xanuunka musiibada ka dhalatay dabkaas.
“Waxaan fursadaan uga faa’iideysaneynaa in aan la qeybsano walaaleheena ku dhaqan magaalada Hargeysa murugada ku aadan musiibada weyn ee ka soo gaaray dabkii xooganaa ee ka kacay suuqa magaalada, waxaan Allaah weydiisaneynaa inuu idinka ajar siiyo, musiibadaasna kheyr idin kugu bedelo” Ayaa lagu yiri Qoraalka.
Alshabaab ayaa ku dhiiri gelisay in dadka Hargeysa inaysan niyad jebin imtixaanka la isku imtixaamayo dhaqaalahana uu yahay Qadar Alle.
Alshabaab ayaan looga baran inay ka hadasho arrimahan oo kale, waxayna dad badan ku eedeeyaan inay banneysteen dhiigga dadka mulslimiinta ah ee Soomaliyeed.
