Waxaa maanta baaqday kulan la filayey inay yeeshaan xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka, iyadoo muran ka taagan yahay qaabka guddoominta Baarlamaanka, dalkana uu ka maqan yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka.
Waa kulankii labaad ee Golaha Shacabka ka baaqday toddobaadkan, iyadoo Isniintii lasoo dhaafay iyo maanta oo Arbaco ah aanay suuragal noqon inuu Baarlamaanku shir isugu yimaado, iyadoo ay ahayd maalmo shaqo.
Guddoonka Baarlamaanka oo hadda ay Muqdisho ku sugan yihiin Guddoomiye ku xigeennada koowaad iyo labaad ayaa baajiyey kulanka maanta oo uu guddoomin lahaa Gudoomiye ku xigeenka koowaad C/weli Muudey, waxaana la filayaa in ujeedkoodu ahaa dib u dhigista kulamada Baarlamaanka.
Qaar ka mida xildhibananda Baarlamanka ayaa ka hor yimid qaabka hoggaaminta ee kulankii dhacay Sabtidii oo Goluhu si kulul uga dooday warbixin uu Guddiga Maaliyaddu ka soo saaray Miisaaniyadda 2018-ka, balse lagu soo afjaray markii Guddoomiye Kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad uu raaligelin bixiyey, isla markaana mamnuucay in warbixintaas markale la dhex keeno Golaha.
Arrimaha Baarlamaanka horyaalla waxaa ugu horeeya Xeerka Hanti dhowrka oo gabagabo ah, kaasoo ay isku hayaan xildhibaannada, lana sheegay inay xukuumadda ka horjeedo qaabka xeerkaasi u qoran yahay.