Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Muxuu Galabsaday Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur…?

    Muxuu Galabsaday Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur…?

    December 18, 20173 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horaysay ka hadashay sababta loo xiray siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, kaas oo wali xiran.

    Shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen wasiirka amniga Maxamed Abuukar Isloow iyo xeer illaaliyaha guud Axmed Daahir ayaa laga akhriyay war qoraal ah oo lagu faahfaahinayo sidii ay wax u dhaceen.

    Cabdicasiis Cali Ibraahim oo ah afhayeenka wasaaradda amniga oo warqada akhriyay ayaa yiri “Hay’adaha Amniga iyaga oo gudanaya waajibaadkooda, iyo awaamiirta madaxda ayay abaaro 11kii iyo barkii habeenimo xalay ay tageen guri lagu tuhunsanaa in lagu abaabulo fal dambiyeedyo, muwaadhiniintii guriga joogtay waxa ay u hoggaansami waayeen amarkii la siiyay, iyadoo la waday warqadihii ruqsada baarista, guriga waxaa ku sugnaa Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah shaqsigii ruqsada loo qaatay, wuxuu si cad uga horyimid awaamiirta, kadibna ciidammada illaalada u ahaa waxa ay rasaas ku fureen ciidammadii ka socday hay’adaha amniga” .

    Waxa uu intaas ku daray in ay ku guuleysteen in ay soo xiraan Cabdiraxmaan, islamarkaasna sharciga la marin doono. Xeer ilaaliyaha guud ee maamul goboleedka Puntland, Maxamud Xasan Aw- Cismaan, ayaa sheega

    Sida ku cad qoraalka dowladda kasoo baxay, dambiyada lagu eedeeyay Cabdiraxmaan ayaa lagu sheegay in ay yihiin ‘ qiyaano qaran, khal-khal gelin iyo burburin nidaam dowladnimo, iyo u adeegis dano dowladdo shisheeye’. Lama sheegin kuwa ay yihiin dalalka shisheeye ee danahooda loo adeegayo.

    Wasiir Isloow oo hadlay ayaa dhankiisa shaaciyay amar cusub oo ku saabsan shirarka lagu qabto Muqdisho “Waxaan rabnaa in aan halkan ka caddayno in goobaha lagu shiro aanan lagu shiri karin iyada oo aan fasax la heysanin, horeyna waan u caddaynay, waxan rabnaa in marka la shirayo fasax laga qaato wasaaradda amniga iyo maamulka gobolka Banaadir”.

    Xeer Illaaliyaha Guud Axmed Daahir ayaa sheegay in aysan jirin cid sharciga ka saraysa, islamarkaasna socoto baaris daah furnaan ah oo “ay cid kasta ku qanci doonto” sida uu hadalka u dhigay.

    Warbaahinta lama tusin Cabdiraxmaan ama wax sawirro ah oo muujinaya muuqaalkiisa tan iyo intii la xiray, balse waxa ay mas’uuliyiinta sheegeen in uu badqabo.

    Sida ayba dowladda qirtay hawlgalka waxa uu ahaa mid rasaas la’isku weeydaarsaday, waxaana jira warar ka hadlaya in ay dad ku dhinteen, balse mas’uuliyiinta maysan ka hadlin cid dhimatay ama dhaawacantay.

    . 

    Hawlgalka xalay lagu qaatay guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxa uu dhacay saacado kadib markii shalay Xeer Illaaliyaha Guud uu soo saaray codsi uu golaha baarlamaanka uga doonayo in ay xasaasanada ka qaadaan labo xildhibaan si loogu soo oogo dacwado la xiriira qayaano qaran iyo u adeegista dalal shisheeye.

    Mid ka mid ah xildhibaanada eedda loo jeediyay oo lagu magacaabo Xildhibaan Saabir Shuuriye ayaa isaga oo Dubai ku sugan beeniyay eedeymaha, kuna tilmaamay kuwa lagu aamusinayo isaga iyo xildhibaanada kale.

    Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa intaanan la xirin ka hor boggiisa Facebook soo dhigay qoraal uu kaga hadlayo eedeymaha loo jeediyay xildhibaanada, wuxuuna ku tilmaamay talaabo lagu doonayo in lagu burburiyo dimoqoraadiyadda.

    C/raxmaan C/shakuur NISA Qaramdumis
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWasiirka Dastuurka oo ka hor yimid Amar kasoo baxay Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya [Akhriso]
    Next Article Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo War culus kasoo saaray Soomaalida Itoobiya ee ay laayeen Oromada

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo