Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Madaxtooyada»Muxuu Hanti dhowraha Warbixintiisa ugu reebay Qeybta Hubinta Kharashaadka ee Madaxtooyada..? (Akhriso)

    Muxuu Hanti dhowraha Warbixintiisa ugu reebay Qeybta Hubinta Kharashaadka ee Madaxtooyada..? (Akhriso)

    December 10, 2020Updated:December 21, 20203 Mins Read Madaxtooyada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Hanti dhowrka guud ee Qaranka ayaa soo saaray Warbixinta Baarista Maaliyadda dowlada Federaalka e sanadkii 2019, iyadoo si weyn looogu faahfaahiyey qaabka hay’adaha Dowladda u isticmaaleen kharashaadka, heshiiyada aan la diiwaan gelin iyo khaladaadka dhacay sanadka ku dhammaaday Decembar 2019.

    Inkastoo Warbixinta ay si weyn dib ugu dhacday, waxaa haddana ka muuqda in Hay’adaha dowladda sida Madaxtooyada, Baarlamaanka, Xafiiska Ra’iisal wasaaraha, Wasaaradaha xukuumadda iyo Hay’adaha kale ee dowladda ay weli sameeyaan khaladaad maaliyadeed oo qaarkood halis yihiin, waxaana dakhliga la qabtay, lana istcimaalay sidoo kalana aan lagu soo darin warbixinnada maaliyadeedka sanadka 2019 uu gaaray – US $1,857,170.

    Waxaa xusid mudan in saddexda Xafiis ee ugu waaweyn dalka oo kala ah: Madaxtooyada, Baarlamaanka iyo Xafiiska Ra’iisal wasaaraha in Hanti-dhowrku mid kasta ka baaray dhinacyada kala ah:

    1- Hubinta Kharashaadka
    2- Maamulka Hantida
    3-Maamulka Heshiisyada
    4- & Baarista Gudaha

    Kadibna waxaa warbixinta Hanti-dhowrka lagu caddeeyay waxyaabaa ka khaldan hay’ad kasta iyo baarista lagu sameeyay, jawaabaha ay ka bixisay iyo talo-soo jeedinta xafiiska.

    MADAXTOOYADA SOOMAALIYA

    Hanti-Dhowrka Qaranka wuxuu gebi ahaan warbixinta Xafiiska Madaxweyaha ka reebay qeybta ugu muhiimsan ee HUBINTA KHARASHAADKA oo dhammaan hay’adaha kale lagu caddeeyay warbixinta, taasoo bixineysa shaki ah in si ulakac ah looga saaray si aanay weji-gabax ugu noqon Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

    Qeybta ‘MAAMULKA HESHIISYADA’ Xafiiska Madaxweynaha waxay Warbixinta Hanti-dhowraha sheegtay in liaa afar heshiis oo madaxtooyadu bixisay aanba laga diiwan gelin xafiiska. “Waxaa baarista lagu ogaaday in heshiisyo qiimahoodu gaarayaan US $299,611.25 aan laga soo diiwaan-galin Xafiiska Hantidhowrka Guud”.

    Waxaa la yaab leh in Qeybta MAAMULKA HANTIDA; aanu xafiisku Madaxtooyada laga waayey wax diiwaan ah oo hantida qaranka ee Madaxtooyada leedahay,waxaana Warbixintu lagu qoray: “Waxaa baarista lagu ogaaday in Xafiiska Madaxweynaha uusan lahayn habraaca iyo siyaasadda lagu maamulo hantida taas oo adkaysay ama suuragalin wayday in la xaqiijiyo ama la qiimeeyo shuruuradaha ama waxa ay hay’addu u isticmaasho guud ahaan maamulka hantida. Waxaa baarista lagu ogaaday in Xafiiska Madaxweynaha uusan cusboonaysiin diiwaanka hantida taas oo lid ku ah sharciga sidoo kale, diiwaanka aan la cusboonaysiin ayaa sababay in aan la hubin ama la xaqiijin waayo hantida ay hay’addu leedahay.”

    Waxaa kaloo yaab lahayd in Madaxtooyada Soomaaliya aysan lahayn baarista gudaheeda ah, waxaana warixinta Hantid howrka lagu yiri: “Intii lagu guda jiray baarista ayaa waxaa la ogaaday in Xafiiska Madaxweynaha uusan lahayn baaraha gudaha sidoo kalana baarista gudaha aan laga samayn”.

    Warbxinta waxay si cad u soo bandhigtay hab-maamulka Kharaashka Golaha Shacabka iyo Xafiiska Ra’iisal wasaraha sanadkli 2019, waxaana Golaha Shacabka lasoo caddeeyay in baarista lagu ogaaday in la bixiyay lacag dhan US $747,865.00 iyada oo aan lahayn caddeymo ku filan taas oo lid ku ah sharciga.

    Dhinac Xafiiska Ra’iisal wasaaraha sanadkii 2019 waxay Warbixinta Hanti dhowrku sidoo kale caddeysay in baariteedaa lagu ogaaday in la bixiyay lacag dhan US $163,806.49 iyada oo aan lahayn caddeymo ku filan taas oo lid ku ah sharciga.

    Hanti-dhowruhu Warbixintiisa kuma soo bandhigin, qeybta Hubinta Kharashaadka Madaxtooyada, waxayna qeybtan guud ahaan ka maqan tahay warbixinta, taasoo u muuqata in si ulakac ah looga reebay, iyadoo sida loo faahfaahiyey hay’adaha kale aan loo dabagelin Madaxtooyada ama laga gaabsaday in warbixinta lagu soo bandhigo.

    GOOBJOOGE

    2019 Madaxtooyada Top Villa Somalia Warbixinta Hanti dhowrka
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleMaamulka Somaliland oo si lama filaan ah Xabsiga uga sii daayey Milkiilihii Astaan TV
    Next Article Akhriso: Qoraal ay Midowga Musharaxiinta u direen Beesha caalamka iyo Qodobbo ay dalbadeen in la fuliyo

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo