Waxaa soo baxay warar sheegaya in xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir uu codsi is casilaad ah u gudbiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, xilli uu jiro mooshin laga keenay madaxweynaha oo xildhibaanno 93 ah ku saxiixnaayeen kaasoo hadda horyaala guddoonka Baarlamaanka.
Raadraac ay Wadani.com ku sameysay arrintan ayaa waxaa ka soo baxay in codsiga is casilaadda Xeer ilaaliyaha ay dhacday muddo hore oo ku beegan horaantii bishan Ogost kana horeysay mooshinka hadda socda.
Is-casilaadda uu codsaday Xeer ilaaliyaha ayaa salka ku heysay culeyso uga yimid howshiisa oo ay ugu weyneyd inuusan u madax bannaaneyn shaqada iyo miisaaniyadii xafiiskiisa oo wasaaradda Maaliyadda ay ciriiri gelisay.
Arrimahaas ayay Wadani.com xaqiijisay inuu waanwaan ay ka galeen madaxweynaha, Ra’iisal wasaaraha iyo wasaaradda maaliyadda oo si hoose loo xaliyay iyadoo Dr. Axmed Cali Daahir la sheegay inuu ka noqday dalabkiisii is-casilaadda ahaa.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]