Gudoomiyihii Guddiga kumeelgaarka ah ee Doorashada Puntland Axmed Maxamed Cali (Axmed Kismaayo) ayaa xilkii iska casilay.
Axmed Kismaayo oo madax u ahaa Guddi uu dhowaan magacaabay Madaxweynaha Puntland ayaa howshoodu ahayd inay maamulka Puntland u diyaariyaan doorasho guud oo maamulkaasi ka dhacda, taasoo ahayd arrin la suuragelin waayay sanado badan.
Qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook ayuu ku sheehay inuu iska casilay xilkii loo magcaabay, una gudbiyay warqadda iscasilaada Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas, isagoo sheegay inuu ka aqbalay.
Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in sababta ugu weyn ee keentay is-casilaadda Axmed Kismaayo ay ka danbeysay markii Guddigiisa ay dhaqaalo darro soo wajahday, ayna xaaladu gaaray in xafiiskoodii uu noqdo koronto la’aan.
Akhri Qoraalka is-casilaadda