Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Muxuu ka Dhigan Yahay Go’aanka Maxkamadda Caddaaladda ee ICJ (Qormo Sharci-yaqaan oo muhiim ah)

    Muxuu ka Dhigan Yahay Go’aanka Maxkamadda Caddaaladda ee ICJ (Qormo Sharci-yaqaan oo muhiim ah)

    October 13, 2021Updated:October 13, 20216 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Go’aanka maxkamadda meela badan kama waafaqsanayn sida ay maxkamaddu go’aanka u gaari jirtay oo waxa aad mooddaa in ay xaaladda gobolka iyo siyaasadda caalamka tixgelisay.

    Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah ayaa go’aankii la sugayey ee dacwadda Xadaynta Xuduudka Badda Soomaaliya iyo Keenya soo saartay maanta. Soomaaliya ayaa 2014kii waxa ay maxkamadda u gudbisay dacwad ay ku codsanayso in la calaammadeeyo xad badeedka u dhexeeya Soomaaliya iyo Keenya illaa dhul badeedka ka dambeeya qalfoof badeedka.

    Labada dal waxa ay gudubsadeen dooddoodii oo qoraal ah iyo jawaabo qoraalladaas khuseeya. Dhagaysiga dacwadda Keenya wey ka maqneed, laakiin maxkamaddu way guda gashay sida uu qabo xeerka maxkamadda. Waxa aan hoos si kooban ugu faahfaahinayaa go’aanka maxkamadda.

    1. Waa jireen heshiis ay galeen dalalkii gumaysaneyey Somaaliya iyo Keenya ee Talyaaniga iyo Ingiriiska oo khuseeyey barta xuduudka,laakiin xad badeedka u dhaxeeya labada dal weligiis qaab sharci ah looma xadeyn. Keenya dhulka dacwaddu khusayso waxay ay ka ijaaatay shirkado inta aan dacwaddu billaaban. Dowladda Soomaaliya way ku saxsaneed in ay maxkamadda weydiisato in si joogto ah loo xadeeyo xuduud badeedka labada dal u dhexeeya.

    2. Dooddii Keenya oo ahayd xudduud badeedka labada dal u dhexeeya waa xadaysan yahay oo heshiis ayaa lagu yahay isaga oo ku salaysan xarriiqa ku dherersan xadka (parallel of latitude). Waxa ay Keenya sheegtay in ay 1979kii iyo 2005tii sheegteen xadkooda, Soomaaliyana ayna ka hor imaan oo aamusnaan ku aqbashay.
    Maxkamaddu waxa ay sheegtay in Xeerka Biyaha Badda ee Keenya oo soo baxay 1972dii iyo Xeerka Qaybaha Badda oo 1989kii oo Keenya oo soo baxay ay ka hor imaanayaan sheegashadaas. Sidoo kale sharciyo Soomaaliya soo saartay 1988 iyo 1989 ayaa diidaya doodda Keenya oo ah Somaaliya way aqbashay cabirka Keenya.

    Tan kale, gudbintii codsigii kordhinta qalfoof badeedka oo ka dambeeya 200 bayl badeed ee Soomaaliya iyo Keenya gudbiyeen 2009kii ayaa taas ka hor imaanaya. Waxa kale oo maxkamaddu sheegtay in Heshiiskii Isafgaradka ahaa ee Soomaaliya iyo Keenya galeen uu sheegashadaas ka hor imaanayo isaga oo qorayey in aan xuduudku calaamadaysayn oo labada dal ka heshiin doonaan. Maxkamaddu waa diidday doodda Keenya oo waxa ay sheegtay in ayna Soomaaliya si cad oo joogto ah u aqbalin xuduudkaas Keenya sheegatay, xad badeedka labada dal u dhexeeyana uuna xadaysnayn.

    3. Keenya waxa kale oo ay ku doodday haddii laga diido in xad badeedka labada dal u dhexeeya uu callaamadaysan yahay, in hadda la xadeeyo iyada oo xarriiqa lagu dhererinayo barta xadka (parallel of latitude). Maxkamaddu dooddaas way ka diidday dalka Keenya oo waxa ay qaadatay qaabkii Soomaaliya dalbatay oo ahaa nidaamka equidistance. Maxkamaddu waxa ay qaabkaan u martaa saddex waji sida ay ku sharraxday kiiskii Xadaynta Badda Madow oo ku dhexeeyey Romania iyo Ukraine.

    Marka hore waxaa la samaynayaa xariiq ku meel gaar ah. Wejiga labaad waxaa la qiimeeyaa haddii ay jiraan duruufo keenaya in laynka la qalloociyo oo adjustment lagu sameeyo. Midda saddexaadna waxaa la fiiriyaa in xariiqa ama sidiisa ha ahaado ama hala qalloociyee uu saami ahaan saxan yahay (proportionality test).

    4. Kenya waxa ay ku doodday in ay jiraan shan arrimood oo keenaya in xarriiqa la qalloociyo.

    – Tan koowaad, waa arrin amniga khusaysa oo walwal ayaan ka qabnaa ammaanka marka la fiiriyo xaalka Soomaaliya ayey ku doodday. Maxkamadda waa diidday dooddaas oo waxa ay sheegtay in xaalka Soomaaliya ahayn mid joogto ah oo uu isbeddeli doono, ammaan darrada dhulkana ayna qasab ahayn in ay badda saamayso.

    – Tan labaad, Keenya waxa ay ku doodday in dhaqanka gobolka iyo sida ay badda u xadeeyaan ay keenayso in xarriiqa la qalloociyo. Maxkamaddu waa diidday dooddaas.

    – Tan saddexaad Keenya waxa ay ku doodday in kalluumaysatadeeda ayna helayn meel ay maraan. Maxkamadda taasna waa diidday oo waxaa ay sheegtay in meelaha kalluumaysatadu ku xirtaan inta badan ayna ahayn dhulka dacwadu khusayso.

    – Tan afaraad Keenya waxa ay ku doodday in dhaqanka labada dal oo ku aadan baaritaanka shidaalka iyo kormeerka ciidammada badda ay tahay in xarriiqa la qalloociyo. Maxkamaddu dooddaanna way diiday.

    – Tan shanaad oo Keenya ku doodday ayaa ahayd in ay marinka badda ka soo xirmayo oo aad u yaraanayo. Maxkamadda iyada oo xiganaysa kiis Arbitral Tribunal qaadday oo u dhexeeyey Guinea/Guinea-Bissau in gobolka Galbeedka Afrika oo dhan la tixgeliyey. Hadda ay maxkamaddu tixgelisay xadka Soomaaliya, Keenya iyo Tanzania. Maxkamaddu waxa ay caddeysay in ayna heshiiska Keenya iyo Tanzania ayna saamayn ku lahayn tixgelinta.

    5. Maxkamaddu waxa ay go’aamisay in biyaha badda Soomaaliya (territorial waters) oo ah 12 mayl badeed laynka sida Soomaaliya u rabtay ahaanayo oo aan la qalloocinayn ama adjustment lagu samaynayn.

    6. Maxkamaddu waxa kale oo ay go’aamisay in xarriiqa dhanka waqooyi loo qalloociyo laga billaabo dhamaadka biyaha Soomaaliya illaa 12 mayl badeed wixii ka dambeeya taas oo lagu yaraynayo soo xirmidda xeebta Keenya iyada la tixgelinayo tan Soomaaliya , keenya iyo Tansaaniya taas oo keentay sida ay joqoraafi ahaan u samaysan yihiin xeebaha dalalkaas. Maxkamaddu inta badan dalalka dacwadu dhextaal ayey xeebahooda tixgelin jirtay ee gobolka oo dhan ma tixgelin jirin.

    7. Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah waxa ay si sharci ah oo kama dambays ah u xadaysay xad badeedka u dhexeeya Soomaaliya iyo keenya. Waxa ay aqbashay dooddii Soomaaliya inta badan. Xaqiiqa dhanka waqooyi loo qalloociyey waxa uu dhulkii dacwaddu khusaysay qayb aan badnayn siinayaa Kenya. Maxkamadda marka ay tixgelisay doodaha, xaaladda gobolka sidaas ayey xal u aragtay. Waxaad moodaa in qaab guul-guul ah ay ku dhamaysay oo ayna qaanuunka keliya ku ekaan.

    8. Go’aanka maxkmadda meela badan kama waafaqsanayn sida ay maxkamaddu go’aanka u gaari jirtay oo waxa aad mooddaa in ay xaaladda gobolka iyo siyaasadda caalamka tixgelisay. Garsoore Dr Abdiqawi Yusuf oo ah khabiir Soomaaliyeed oo kamid ah garsoorayaasha maxkamadda ayaa fikir gooni ah oo uu go’aammada qaar ku diiddan yahay soo bandhigay.

    Tusaale ahaan waxa uu duray meesha laga billaabay xariiqa oo uu tilmaamay in ayna sax ahayn. Tan kale waxa uu diiday oo khalad ku tilmaamay in aan tixgelinta lagu ekayn Soomaaliya iyo Keenya laakiin Gobolka dhan la tixgeliyey oo uu ugu yeeray ““judicial refashioning of geography”. Waxa kale oo Garsoore Abdulqawi in soo xirmidda badda Keenya(serious cuff-off) ayna ahayn mid la arki karoo o aan meesha oollin.

    9. In kasta oo sidii aan wax u rabnay aanan u wada helin , haddana Soomaaliya go’aankaan guul weyn ayey u tahay. Waa midda koowaad, dalkayaga oo ah dal ka soo kabsanayey colaado daba dheeraaday, in aan Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah kiis gaynay oo aan helnay xadayn sharci ah oo kama dambayn ah. Tan labaad, maxkamaddu waxa ay aqbashay inta badan dooddihii Soomaaliya. Tan saddexaad, dhul badeedkii kiisku khuseeyey inta badan waxaa loo xukmiyey Soomaaliya.

    10. Labada dal oo deriska ah Soomaaliya iyo keenya waxaa la gudboon in ay aqbalaan go’aanka maxkamadda, laguna wada noolaado deris wanaag. Dalalka kiisaskooda lagu qaado maxkamadda inta badan waa kuwo deris ah, kamana dhigna in ay cadow isku yihiin. Xaqeennii si wanaagsan ayaan u difaacannay, waana muhiin in midnimo la muujiyo.

    W/Q: Ahmed Ali M Khayre, PhD

    ICJ Qormo Somalia
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleFarmaajo oo ka hadlay Go’aankii Maxkamadda ICJ, eedeyn culusna u jeediyey hoggaanka Kenya
    Next Article Madaxweynaha Kenya oo si kulul ugu gacan seyray Go’ankii Maxkamadda ICJ ee Somaliya & Kenya

    Related Posts

    Maxaa Addis Ababa ku qabsaday Xasan Sheekh? (3-da Aragti ee Mucaaradka Madaxweynaha)

    February 18, 2024

    Maxaa lagu diidan yahay Hab-raaca lagu muransan yahay ee Dastuurka..?

    January 24, 2024

    Hadal jeedinta Madaxweynaha iyo Waxyaabihii la tabey ee ka Maqnaaa (Qormo).

    January 3, 2024

    Yusuf Garaad oo ka hadlay Dhibaato culus oo ka jirta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

    November 29, 2023

    5 Arrin oo lagu diidan yahay Qorshaha Dastuurka ee Xasan Sheekh iyo waxa ka dhalan kara

    November 27, 2023

    C/raxman C/shakuur oo Qoraal talo- culus xambaarsan u diray Siciid Deni

    November 7, 2023

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo