Shir in ka badan 10 saacadood qaatay oo ay yeesheen Madaxweynaha xilligiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa la isku mari waayey.
Shirka soo bilowday shalay Duhurnimadii oo la isku gaaray saqdii dhexe kadib ayaa marna dhex marayay Farmaajo iyo Rooble, halka mar kale ay arrinta galayeen Guddi laba dhinac ka socday oo min laba xubnood ah, iyadoo ay sidoo kale goobjoog ahaayeen Madaxweynayaasha Galmudug iyo K/Galbeed.
Arrinta ugu weyn shirka hareysay, markii danbena uu ka socon waayey ayaa ahayd in Maxamed Farmaajo uu ku adkeysanayo inuu yahay mas’uulka dalka ugu sareeya, isla markaana ay hoos tagaan hay’adaha Amniga, halka Ra’iisal Wasaaraha ay awoodiisa ku kooban tahay Amniga Doorashada.
1- Arrinta khilaafka dhalisay ee Kiiska Ikraan Tahliil ayaa la isku afgaran waayey inay ku lug yeeshaan Hay’adaha Amniga, halka Ra’iisal wasaaraha ku adkeysanayo in hay’adaha Cadaaladda loo madax bannaaneeyo, wuxuu Farmaajo doonayaa in arrinta Kiiska Ikraan Guddi Amni loo saaro oo ay maamulayaan Guddiga Amniga Qaranka.
2- Hay’adda NISA iyo maamulkeeda oo ahaa Qodobka kale ee la isku mari waayey ayey labada dhinac aad ugu kala fogaayeen. Farmaajo wuxuu diiday in sinaba uu Hay’adaasi u hoggaamiyo Jeneraal Bashiir Goobe, isagoo ku adkeystay in la isla tuuro Col. Yaasiin Farey oo uu isagu magacaabay iyo Jen. Bashiir Goobe, isaguna uu leeyahay magacaabidda.
3- Xil ka qaadista iyo magacaabista Wasiirka Amniga: Qodobkan oo isna la isku hayo wuxuu Ra’iisal wasaare Rooble ku adkeystay sharcinimada wasiirka cusub ee uu magacaabay, halka Farmaajo uu doonayo in dib looga noqdo xil ka qaadista wasiirkii hore, taasoo iyaduna lagu heshiin waayey.
Rajada la qabay oo ahayd in Jen. Bashiir Goobe loo wareejiyo Taliska Booliska oo ahayd xal ay soo jeediyeen dhinacyada qaar ayaa shaqeyn waayey, markii labada dhinac ay soo dhoweyn waayeen, waxaana shirka oo ahaa kii ugu dheeraa ee la isku dayo in lagu heshiisiiyo siyaasiyiin dirirsan la soo gababagabeeyay Aadankii hore ee salaadda subax, iyadoo aan wax natiijo ah laga gaarin.
Arrinta ugu weyn ee labada dhinac isku hayaan ayaa ah cidda leh awoodda ugu sareysa ee Amniga dalka, waxaana kusoo xiga cadaalad u raadinta Kiiska Ikraan Tahliil, taasoo u muuqata i dhinaca Farmaajo ay doonayaan inay saameyn ku yeeshaan oo aysan gacantooda ka bixin.
