Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Calo (Gaas) ayaa dhibaato lagala kulmay sidii loogu qancin lahaa inuu yimaado magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug oo saldhig u ahayd muddo dhowr bilood ah intii aanu dhowaan tegin Garowe, waxaana arrintan ay timid markii xiisada colaadeed ka dhacday magaalada Gaalkacyo oo ay ku dagaalameen ciidamo kala taabacsan Galmudug iyo Puntland.
Madaxweynaha Puntland waxay is af dhaafeen Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid, isagoo ku adkeystay inuusan arrinta Gaalkacyo ka tanaasuleynin isla markaana uu awood ku soo afjarayo maleeshiyada Galmudug ee dagaalka ka wada, arrintaan oo ka careysiisay Cumar C/rashiid kuna kaliftay inuu iskiis tallaabo u qaato oo uu tago Gaalkacyo.
Dhibaatada heysata C/weli Gaas dad badan ayaa ku wareersan, halka qaarkood ay aaminsan yihiin inuu ka mid yahay dadka qurba joogta ahaa ee aan xogogaalka u ahayn dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay, laakiin xaqiiqadu waxay tahay in madaxweynaha dhaqaale yahanka ah ee Puntland hadda ka taliya ay heystaan caqabadaha soo socda:
Waa marka horee wuxuu diidan yahay inuu aqoonsado maamulka Galmudug ee C/kariin Guuleed hogaamiyo, isagoo marar badan ku celceliyay in maamulkani yahay sharci darro. Wuxuu dadaal ugu jiraa inuu meel la fariisto maamulkaasi ama loo arko inuu jebiyay go’aanadii maamulkiisa ee ahaa in Galmudug aanay marna la hadleynin.
Marka labaad mar haddii dagaal dhacay oo cidda ay is hayaan ay tahay Galmudug wuxuu door biday inuu eeda dagaalka u weeciyo dowladda federaalka Soomaaliya, taasoo u muuqata fikrad aan iib gelin oo isaga uun ku ekaatay.
Marka saddexaad C/weli Gaas wuxuu culeys ka heystaa maamulkiisa oo ah inuusan marna u debcin Galmudug, waana tan keentay in is-weynida iyo qabka siyaasadeed uu ka gaaro madaxda Puntland inay dhinaca koonfureed ee Gaalkacyo u ogol yihiin xaafad yar oo Baraxley la yiraahdo, Galmudugna ay tahay maleeshiyo iyo maamul sharci darro ah, halka Puntland ay tahay dowlad iyo ciidamo rigli ah.
Ugu danbeyn madaxweyne C/weli Gaas oo hore u aqbalay inuu shirarka Soomaalida iyo maamul goboleedyada dhinac fariisto madaxweyne C/kariin Guuleed ma heysto fursad uu uga baxsan karo inuu mar kale miis la soo fariisto si ay uga hadlaan dhiig iyo dhul dhex yaala labadooda oo qura.
Madaxda dowladda iyo maamulada kale ee u soo gurmatay dagaalka Gaalkacyo waxay la joogaan reer Mudug waa uun maalmo kooban, laakiin hadalkooda ugu danbeeya wuxuu noqon doonaa: XABAAL IYO NINKEED LOO KALA TAG, waxaana qasab ah iyo reer Mudug la yimaadaan qaab ay ku wada noolaan karaan, Puntland-na ay xaqiiqada u soo degto waaqica jirana wax ku darsato.
FAALLADA GOOBJOOGE.COM