Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Muxuu Madaxweyne Farmaajo u saxiixi waayey xukunka toogashada ah ee Dilaagii Wasiir Siraaje?

    Muxuu Madaxweyne Farmaajo u saxiixi waayey xukunka toogashada ah ee Dilaagii Wasiir Siraaje?

    May 4, 2020Updated:May 4, 20203 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Hadii aynaan cadaalad jirin, nabad ma jiri kartaa? Seddex sano ka hor abaarihii 7da fiidnimo maanta oo kale, waxaa si bareer ah loogu toogtay agagaarka madaxtooyada walaalkeey oo aan jeclaa Cabbaas Hajji Abdullahi Sheikh Siraji.

    Ninkii toogtay iyo masuulkii la socday waxay isku dayeen in ay goobta ka baxsadaan balse waa la qabtay. Taariiqda marka ay aheyd 14th June 2017 waxa ay maxkamada ciidamada Qalabka Sidda u fariisatay dacwadii dilkii marxuumka. Taariiqdu marka ay aheyd 19th June 2017 waxa ay Maxkamada Ciidamada Qalabka Sidda darajadeeda koowaad ku xukuntay gacan ku dhiigle Ahmed Abdullahi Ahmed (Caydiid) dil toogasho ah.

    Caydiid iyo qareenadiisii waxay go’aankaas ka qaateen racfaan waxayna Maxkamada Qalabka Sidda darajadeeda labaaad dhageeystay tariikhdu markay aheyd 29th July 2017. Waxa ay maxkamadu diiday racfaankii iyadoo markaas ay usoo baxday in dilka u ahaa mid ula kac ah. Taariiqdu marka ay aheyd 31st July 2017 waxa ay maxkamaddu si rasmi ah u shaacisay go’aankii ahaa dil toogasho.

    • SIDEE loo dilay Wasiirkii Howlaha Guud ee Soomaaliya Cabbaas C/llaahi Sheekh Siraaji…?
    • DAAWO: Hooyada dhashay Marxuum Wasiir Cabbaas Siraaji oo farriin qiiro leh soo dirtay

    Culeys walbo oo jiro, halkaas waxaa ka muuqato in ay jirto Rajo dowladnimo iyo Garsoor shaqadiisii si cadaalad kujirto u qabsaday.Hasi ahaato, Garsoorka markuu gaaro go’aan sida qisaas ama dil toogasho, waxaa loo Gudbiyaa madaxweeynaha si uu u ogolaado kadibna qisaastii loo fuliyo cadaaldiina ku idlaato.

    Madaxweeynaha oo aanan saxiixin go’aanka maxkamada lama fulin karo. Madaxweeynaha marka loo geeyo go’aanka maxakamada waxaa u banaan:

    1. Inuu sida loogu keenay go’aanka la qaato oo uu saxiixo qisaastiina sidaas lagu fuliyo

    2. In maxkamada uu dib ugu celiyo oo uu faro in baaris dheeri ah la sameeyo- waa hadii ay jirto sabab kalifeeyso. Caadiyan go’aankaan waa in madaxweynaha ku qaato mudo 14 maalmood gudahood ah.

    • Madaxweyne Farmaajo oo laga dalbaday saxiixa toogashada Dableygii dilay Wasiir Cabaas

    Waxaa kasoo wareegtay in ka badan laba sano iyo bar maalinkii maxkammadda go’aan ka qaadatay welina madaxweynaha go’aankii maxkamada ma sixiixin. Midaas oo ka dhigeyso hankii Garsoorka iyo cadaalada aan ka laheyn mid dhicisoobay.

    Waxaan madaxweeynaha aniga iyo isaga kawada fariisanay oo kawada hadalnay in cadaalad loo helo Marxuum Abass in ka badan 10 jeer mar walbana kulankeenu wuxuu kusoo dhamaanaayay “waa balan ninkii Abass dilay cadaalada ayu marayaa.” Ilaa hadda wax natiijo ah malahan.

    • Wasiir Cabbaas Siraaji oo Maanta Aas Qaran loogu sameynayo Magaalada Muqdisho

    Marka, waxaan hada la yaabanahay in la gaaray waqtigii la raadin lahaa qaabkii kale cadaalada loogu heli lahaa Marxuum Abass. Hadii xamar ay dishay Abass hadana caddaalad looga waayay, maxaa diidaayo in lafahiisa lasoo faago laguna xabaalo tuuladii uu ku dhashay oo ay awoowyadiis ku xabaalnaayeen?.

    Mudane madaxweyne qoyskii Abass waxa ay rabaan cadaalad, hadii cadaalad aysan jirine ma dhici kareeyso in nabad iyo dowladnimo dhalato. Fadlan arinkaan ka cadaalad fal!

    W/Q: Xildhibaan Maxamud C/llaahi Siraaji

    SIDEE loo dilay Wasiirkii Howlaha Guud ee Soomaaliya Cabbaas C/llaahi Sheekh Siraaji…?
    Madaxweyne Farmaajo oo laga dalbaday saxiixa toogashada Dableygii dilay Wasiir Cabaas
    Wiil la dhashay Wasiir Cabaas Siraaje oo ku guuleystay kursigii Baarlamaanka ee Beesha Hubeer [Sawirro]
    Wasiir Cabbaas Siraaji oo Maanta Aas Qaran loogu sameynayo Magaalada Muqdisho
    DAAWO: Hooyada dhashay Marxuum Wasiir Cabbaas Siraaji oo farriin qiiro leh soo dirtay
    Dilka Wasiir Siraaji Maxamuud C/llaahi Siraaje Top Wasiir Siraaji
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleFaahfaahin: Weriyeyaal maanta lagu jirdilay Xarun Degmo oo ka tiran Gobolka Banaadir..
    Next Article Dowladda Norway oo Soomaali gaareysa 1400 Qof siineysa Sharciyadii hore looga xayiray

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo