Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kormeer ku tegay Dugsiga Tababarka ee Janaraal Goordon iyo Taliska Guud ee xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Madaxweynaha oo aanu wehlin mas’uuliyiinta wasaaradda Gaashamndhigga, ayaa waxaa soo dhoweeyay saraakiisha ugu sarreeysa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo uu kula shiray Wasaarada Gaashaandhigga, isagoo kala hadlay xaaladda ciidamada iyo dhibaatooyinka ka taagan mushaarka ciidamada.
Madaxweyne Farmaajo oo khudbadiisa ay warbaahinta dowladda qeyb yar ka baahisay ayaa u sheegay saraakiisha ciidamada in dowlada Soomaaliya ay diyaar al tahay xuquuqdooda sidii ay ballan qaaday, wuxuuna u caddeeyay ina iyaguna laga doonayo waajibaadka saaran oo ah inay shacabka ka difaacaan weerarrada Alshabaab.
Madaxweynaha ayaa ku adkeystay diiwaangelinta ciidamada, isagoo sheegay inay lagama maarmaan tahay sixitaanka ciidamada iyo dib u habeyntooda, wuxuuna balanqaaday in xuquuqdooda raashinka iyo mushaarka ay ibiineyso dowladda, kana soo baxeyso balanqaadkeedii.
Wuxuu caddeeyay inuu ugu tegay xisaabtan wixii ka fulay laba sano ka hor balantii ay kala qaateen, oo ahayd in haddii ay helaan mushaar iyo raashin joogto ah inay Alshabaab kaga adkaan doonaan muddo 2 bilood ah, wuxuuna weydiiyey inay marka laga reebo 3-da bilood ee ugu danbeysay inay heleen mushaarkooda iyo raashinooda.
“Aan idin weydiiyo: 2-dii sano ee ay ballanka qaadeen Alshabaab dalka maka xoreyseen..? ayuu weydiiyey saraakiisha iyo askartii uu la hadlayey, wuxuuna intaas ku datay in hub iyo rasaas ay baahi u qabeen uu fuliyey, isla markaana aysan dhibaato ka taagneyn mushaar, hub iyo raashin la’aan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ciidamada u sheegay in Soomaaliya ay heysato caddow fara badan oo gudaha iyo diabdda leh, ayna saameyn ku leeyihiin dad Soomaali ah oo ku xiran shisheeye, ujeedkuna yahay in Soomaaliya xaaladan ku jirto.
Farmajo ayaan si gaara uga hadlin ciidamada gadoodsan ee ku sugan Gobollada Sh/Dhexe iyo Sh/Hoose, kuwaasoo sheegaya mushaar iyo raashin la’aan.







