Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa shaaciyey inuu ka haray tartanka Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee Berri lagu wado inuu ka dhaco Muqdisho.
Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay inuu si rasmi ah uga haray tartanka. “Waxaan si rasmi ah u shaacinayaa in aan ka haray tartanka doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee xelli doorasheedkan, aniga oo sii wadi doona dadaallada aan ugu jiro toosinta iyo horumarinta siyaasadda Soomaaliya’.
Musharaxa ma sheegin sababta keentay inuu ka haro doorashada oo olole xoog leh uu geliyey muddo dheer, laakiin wararka ayaa sheegaya inuu xaqiiqsaday inuusan natiijo fiican ka keeni karin loolanka socda.
Wuuxu si gaar ah ugu mahadnaqayaa mudanayaasha baarlamaanka ee sida dhaw u garab istaagay muddadii aan ololaha ku jirnay, isagoo ugu xildhibaannada baarlamaanka 11-aad ee JFS ku boorriyey, uguna ducaynayaa in ay dalka u dooraan hoggaan wanaagsan oo astaan u noqon kara isbaddalka loo baahan yahay.
Waxaa sidoo akle tartanka xilka Madaxweynaha ka haray C/kariin Xuseen Guuleed iyo Dr. C/nasir Cabdulle Maxamed, iyagoo la filayo in musharixiin kale ay ka haraan tirada isugu soo hartay oo gaareysa 36.