Ra’iisal wasaarihii hore ee xukuumadii KMG ahayd ahna Musharax madaxweyne Maxamed C/llaahi (Farmaajo) ayaa shaaciyay waxa uu uga duwan yahay musharixiinta kale.
Farmaajo oo ka hadlay shir jaraa’id oo ka dhacay Muqdisho ayaa sheegaya in lagu tilmaamo musharaxa shacabka, isaguna uu doonayo inuu shacabka u soo celiyo awoodda iskuna xiro dowladda iyo shacabka.
Wuxuu ku eedeeyay dowladihii dalka soo maray inaysan ka war qabin shacabka oo ay meelna u xiran yihiin, isagoo balan qaaday bixinta mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha dowladda.
DHAGEYSO FARMAAJO
Wadani.com