Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku sii jeeda dalka Boqortooyada Sacuudiga oo booqasho rasmi ah ay ku tegi doonaan markii ugu horeysay, wuxuuna socdaalkani ka mid yahay qorshe Sacuudigu wato oo ku saabsan dalka Yeman.
Xasan Sheekh ayaa la kulmi doona Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis oo ay ka wadahadli doonaan xiriirka labada dal, xaaladda dalka Yeman iyo dagaalka lagula jiro kooxaha islaamiga ah ee Geeska Afrika iyo gacanka cadmeed ka jira.
Waxaa madaxweynaha la socda Wasiirada Maaliyadda, Warfaafinta Dhaqanka iyadoo uu hore u tegay dalkaasi wasiirka arrimaha dibadda, waxaa kaloo la socda xubno badan oo ka mid saaxiibada madaxweynaha. Safiirka Soomaaliya u fadhiya Boqortooyada Sacuudiga Danjire Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay inay socdaalkani muhiim u yahay in labada dal iyo xoojinta xiriirka labada dal.
Isla bishan waxaa Sacuudiga booqanaya madaxda dalalka Suudaan, Itoobiya iyo Jabuuti, waxayna tani qeyb ka tahay olole Sacuuudiga taageero uga raadinayo dalalka Gobolka isagoo dagaal kula jira kooxda Xuuthityiinta Yeman iyo taageerayaashii madaxweynihii hore ee dalkaasi Cali Cabdalla Saalax.
Sacuudiga ayaa dalal badan ku qalqaaliyay inay ciidamo u diraan dalka Yeman si ay uga qeyb qaataan dagaalka uu kula jiro kooxda Xuutihiyiinta, waxaana ugu danbeeyay ciidamada dalka Suudaan oo dhowaan la geeyay dalka Yeman. Waxaa hore u jira warar aan la xaqiijin oo ku saabsan in ciidamo Soomaaliyeed oo Muqdisho ay ku tababareyso Imaaraadka Carabta loo diyaarinayo in la geeyo dalka Yeman.
Wadani.com