Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa gaaray magaalada Adis abab ee dalka Itoobiya, socdaal aan la shaacin oo yimid xilli xasaasi ah.
Booqashada Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa ka danbeysay socdaallo qarsoodi ahaa oo ay Adis ababa ku tageen Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin Xaaji oo la sheegay in loogu gogol xaaray socdaalka Ra’iisal wasaaraha..
Xiriirka dowladda cusub ee Itoobiya oo uu hoggaamiyo Abiy Ahmed iyo Soomaaliya ayaan weli weji yeelan iyadoo ay dowladda Soomaaliya si weyn uga carootay tallaabadii ay Itoobiya qaaday ee ay madaxweynaha maamulka Jubbaland ugu ogolaatay inuu la kulmo sarkaalka ONLF ee dowladda Somalia u gacan gelisay Itoobiya.
Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Itoobiye Abiy Ahmed oo ku dhowaad laba bilood xilka haya ayaa booqday dalalka deriska la ah Itoobiya marka laga reebo Soomaaliya, wuxuuna kulankii ugu horeeyay la yeelanayaa Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, iyadoo arrimaha laga hadlayo ee miiska saaran ay yihiin kuwo aad u culus.
Heshiiska dekadda Berbera ee Itoobiya qeybta ka noqotay, kaalinta ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya, xiriirka maamul Goboleedyada iyo Itoobiya ayaa ugu waaweyn arrimaha labada dowladood ay ka wadahadlayaan, iyadoo warar xogogaal ah ay sheegayaan in dowladda Soomaaliya ay dooneyso inay go’doomiso madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.