Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa colaad kale ku abuurtay beesha Xawaadle kadib markii uu liiska Odayaasha leh saxiixa laga reebay Ugaaska cusub ee beeshaasi Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.
Odayaasha beelaha Xawaadle oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne ayaa si weyn uga gadooday in Ugaaska cusub aanu ku soo bixin liiska odayaasha ee lagu ansixiyay shirkii Baybaba, waxaan taas bedelkeedna lagu soo qoray nabad-doon ka tirsan beesha Ugaasyada oo lagu magacaabo Ugaas Cumar Ugaas Muumin Ugaas Warfaa.
Arrintan ayaa si weyn u sii xumeysay xiriirka Beesha Xawaadle iyo Xasan Sheekh iyadoo hore ay Ugaaska cusub iyo Xasan Sheekh isku qabteen dhismaha maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, taasoo keentay inay labada nin oo wiil iyo abtigiis ah ay kala fogaadaan.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku doodaya in Ugaas Xasan ayaa weli si rasmi ah loo caleemo saarin oo uu magacaaban yahay oo kaliya, laakin waxaa muuqata inuu Ugaaska uga aargoosanayo sidii uu uga hor yimid qorshihiisii maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. Waxaa jira duubab kale oo aanay isku fiicneyn Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu ka reebay liiska Odayaasha.
https://youtu.be/-CDCrzZ4RPk
Wadani.com