Taliska Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir ayaa ka digay Hub ay sheegeen in lagu felinayo magaalada Muqdisho, ayna wadaan howlgallo lagu adkeyneyo Amniga Caasimadda.
Taliye kuxigeenka Ciidamada qeybta Booliska Gobolka Banaadir G/Dhexe Saciid Cali Baryare ayaa sheegay in Amniga Caasimadda oo ay ku xiran tahya noloshja dadka magaalada ku nool, ayna u taagan yihiin ka hortagga falalka amni darrada ee heysta Shacabka kunool Gobolka Banaadir.
Wuxuu ka digay in Billo ka hor uu Magaalada Muqdisho soo galay Hub farabadan sida uu yiri, balse ay garanayaan dadka wata, iyadoo hub lagu qabtay falal denbi ay yeesheen saraakiil, isagoo aan faahfaahin ka bixin, wuxuuna dadkaasi ka dalbaday inay hubkooda ay Guryaha ku heystaan si aan dhibaato amnindarro loogu geysan dadka.
Wararka aya asheegaya in hubka ugu badna ee magaalada marka laga reebo madaxda dowladda ay wataan musharixiinta Madaxweynaha oo dhaqdhaqaaqooda laga dareemo caasimadda.
Booliska Gobolka Banaadir ayaa bilaabay howgallo habeenadii laga sameeyo magaalada, kadib markii ay soo kordheen falal dhac iyo dil ah oo Muqdisho ka dhacaya.
