Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wednesday, June 3
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Muxuu yahay Qabku..? [Qormo uu qoray Wasiir hore ee Gaashaandhigga]

    Muxuu yahay Qabku..? [Qormo uu qoray Wasiir hore ee Gaashaandhigga]

    October 1, 20173 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Maqaalka Gaaban Waxaan Jeclaan lahaa in aan isku weydiino (muxuu yahay Qabku?”, sida lagu micneeyo Qabku waa heerka qofka nafsadiisa (Dareenkiisa) isla joogo ha ahaato isla weyni ama isku kalsooni iyo sida uu hadba u arkayo samaha iyo xumaha.

    Haddii intaas aan sii faah faahiyo oo la yiraahdo qofkaasi waa isla qabweyn yahay, qofba si ayuu u fasiranayaa, midbaa oranaya waa doqon nacas ah kibirna badan oo ka fog wax kasta oo ra’yi macquul ah. Mid kale ayaa oranaya waa mid ka dhowrsan kara wax kasta oo sharaftiisa iyo dadnimadiisa wax u dhimaya.

    Haddii labadaas figradood aan isbar-bar dhigo waxaa imaanaysa in la is weydiiyo Qabku ma fiican yahay mase waa xun yahay?, dad badani waxay qabaan haddii la yiraahdo qofkaasi waa isla qabweyn yahay in uu yahay mid nacas ah (Doqon). Qabkaasi waa mid xun oo aan faaiido lahayn.

    Dad kale ayaa qaba in qabku fiican yahay marka laga reebo hadalka ah qofkaasi waa isla qab weyn yahay waxay dadka qaar u fasiraan in uu yahay qofkaasi ruux wax gal ah (Waxgarad) kana xishoon kara wax kasta oo sharaftiisa iyo dadnimadiisa wax u dhimaya.

    Haddii arrinta Qabka shaqsiga aan ka gudubno una gudubno qabka ay leedahay bulsho, aan tusaale ka dhigo qabkii ummada Soomaaliyeed ay lahayd oo u kala qaadno waqtigii hore iyo waqtigan hadda ah ee la joogo.

    Aan isku dayo in aan wax ka xuso qabkii fiicnaa ee bulshada Soomaaliyeed ay lahayd, waxaa kamid ahaa in qofku aflagaadeyn dadka ka weyn, dariska ama bulshada ay meel ku wada nool yihiin, ruux culimo ah, gabar iyo hooyo midna aan la faraxumayn, martida oo la soo dhaweeyo lana sooryeeyo, ergada oo aan la xumayn, waalidka oo la qadariyo iyo qaar kale oo aanan halkaan ku soo koobi karin, waxaa kale oo intaas sii dheer marka ay timaado in dalkooda cadow ama dad qalaad uu soo galo khatarna ku ah dalkooda si wadajir ah ayey u difaaci jireen.

    Waxaa xusid mudan qabkii ay lahaayeen odayaashii bulshada soo hoggaamin jirey, kuwii xorriyadda u soo halgamey, kuwii diinta iyo dhaqanka suuban bulshada barayey. Qabkii wadaninimo wuxuu ummadda Soomaaliyeed u soo hooyey dhulkoodii bad iyo beriba guul iyo gobonimo, dhulkeena quruxda badan ee aad aragtaan oo ay ku xeyndaaban yihiin Xeebaha Afrika ugu dheer waxaa difaacay awoowayaashii naga horeeyey oo isticmaalayay Qabkoodii wanaagsanaa ee wadanimimo iyo wadajir ee aan istcmaalin qabkii nacasnimo.

    Dib aan ugu noqdo qabkii aan niri wanaag iyo xumaanba waa sidii loo isticmaalo, aan wax ka taabto waqtiga hadda la joogo qabka qofeed iyo midka bulsho.

    Haddii aan wax ka iraahdo ama ra’yi ka dhiibto waxaan leeyahay qabkii wanaagsanaa ee lagu yiqiin dadka Soomaaliyeed mid qofeed iyo mid bulshaba wuu dhumay. Arrintaasi ama ha keento burburkii dalka ku dhacay ama arrinta guud ee adduunka ka jirta, gaar ahaan wadamada muslimka ah, waxaa hubaal ah in arrinta qab-jabka ah ay maanta ka jirto dalkeena saameysana qof yar iyo mid weynba, waxaa dhumay dareenkii wadanimimo, kii wadajirnimo, waxaa dhumay xurmadii iyo is qadarintii bulshada ka wada dhexeysay, arrimahaas aan kor ku xusay waxay dhaliyeen qabkaas oo kiisii xumaa la isticmaalayo ee aan la isticmaalayn kiisa wanaagsan.

    Talada gaba-gabadeedu waxay tahay Soomaaliyeey aanu isticmaalno qabkeenii wanaagsanaa ee bulshada Soomaaliyeed caanka ku ahayd, iskana dhaafno qabka xun.

    Sareeye Gaas Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini
    Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya

    Muxuu yahay Qabku SOOMAALIDA Wasiir Diini
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleCali Gacal Casir: “Waa wax lala yaabo in Dad shacab ah oo lasoo ururiyay ay xil naga qaadaan…” [Dhageyso]
    Next Article Alshabaab oo qabsaday Saldhig ciidamada Koonfur Galbeed ku leeyihiin Bakool

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo