Nabad-doon caan ah ayaa la sheegay inuu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka careysiiyay intii ay socdeen wadahadalka madaxweynaha kula jiray odayaasha dhaqanka ee ku sugan Dhuusamareeb ee uu doonayay inuu ku qanciyo inay dib uga laabtaan go’aankoodii ahaa in shirka maamul u sameynta gobollada Dhexe lagu qabto magaaladaasi, ayna ogolaadaan in shirku ka dhaco degmada Cadaado.
Ugaas Cabdi-Daahir (Caga-jabeey) ayaa la xaqiijiyay inuu aflagaado meel ka dhac ah iyo ereyo qalafsan ku weeraray madaxweynaha oo markaas kulan la lahaa odayaal ay iska xuleen ka qeyb galayaasha shirka Dhuusamareeb si ay ula kulmaan madaxweynaha. Weerarkaas afka ah ayaa intiisa badan aan ku lug lahayn arrinta khilaafku ka taagan yahay ee shirka maamul u sameynta gobollada dhexe, waxayna ahaayeen kuwo si toos ah u saameynaya shaqsiyadda madaxweynaha iyo aflagaado qaawan oo odayaashii kale ee shirka joogay ay ka dhex galeen Ugaas Caga-jabey kana bixiyeen cudurdaar.
Arrintan ayaa lagu tilmaamay inuu ku aargudanayay Caga-jabeey oo ka mid ahaa odayaashii la jirdilay kadib dhacdadii Sheekh Xasan Daahir lagu keenay Muqdisho ee odayaal uu ka mid yahay ay diideen in laga kaxeysto Sheekh Xasan Daahir, balse ciidamada nabadsugidda ay jirdileen; inkastoo dhacdadaasi madaxweyneXasan ka raali geliyay odayaashaasi, Â xilna looga qaatay.
Sawirka hoose waxaa (Bidix) ka muuqda ugaas Caga-jabeey oo dhaawacii jirdilka ka muuqdo xilligaasi
Ugaaskan ayaa ka mida odayaasha dhaqanka  ee muranka badani ka taagan yahay waxaana hore loogu eedeeyay inuu taageero  Alshabaab, xilligii xulista baarlamaanka haddana jirana waxay siyaasiyiin badan ka qeyliyeen sidii uu u maamulay xubnihii beeshiisa ee xildhibaanada ka mid noqday.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-5″]
[ad name=”HTML-4″]