Wararka laga helayo magaalada Beldweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay caawa maqribnimadii tooasho ku dileen nabaddoon caan ka ahaa magaalada.
Dableyda oo bistoolado ku hubeysnaa ayaa toogasho ku dilay Alle ha u Naxaristee Nabadoon Cabdi Xuseen Colow oo u geeriyooday rasaastii laghu furay.
Dilka nabaddoonka ayaa ka dhacayXafadda Buundaweyn ee Magaalada Beledweyne, waxaana goobta kla baxsaday dableydii dilka geysatay. Nabadoon Cabdi Xuseen ayaa ka mid ahaa Odoyaasha Dhaqanka ee Gobalka Hiiraan ugu caansan, isagoo qeyb ku lahaa dhaqankla Gobolka.
Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka tacsiyadeeyay Geeridii Allaha u naxariistee Nabadoon Cabdi Xuseen Coloow oo kamid ahaa nabadoonada ugu caansan Hirshabeelle gaar ahaan Gobolka Hiiraan, kaas oo caawa koox argagixiso ah ay ku dileen Magaalada Beledweyne, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Hirshabeelle.
