Koox hubeysan ayaa weerar ka dhacay Suuqa weyn ee Bakaaraha, Magaalada muqdisho ku dilay Nabaddoon caan ka ahaa caasimadda.
Nabaddoon Maxamed Nuur Diiriye ayaa lagu toogtay gudaha Suuqa Bakaaraha, iyadoo wararku sheegayaan in rag Bistoolado ku hubeysan rasaas ku furen, kadibna ay baxsadeen.
Dilka nabaddoonka ayaa si weyn loogu faafiyey Baraha bulshada, iyadoo xildhibaanno , mas’uuliyiin iyo dad badna ay tacsi u direen Qoyska nabaddoonka.
“Allah u naxatiisto walaalkay Nabadoon Mohamed Nur Diiriye oo saakay ay ku dileen khawaarijtii gumaadi jiray haldoorka Soomaaliyeed. Mohamed Nuur waxa u u ahaa ganacsade, Nabadoon, aqoonyahan bartay sharciga una adeega bulshada aadna looga jeclaa bulshada dhexdeeda” ayuu yiri Xildhibaan CabdiSaabir Shuuriye.
Sidoo kale xildhibaan C/raxmaan Odowaa ayaa tacsi u diray oysaska iyo qaraabada ree Diiriye Cali geerida ku timid walaalkeen nabadoon Maxamed Nuur Diiriye oo saakay gacan ka xaq darani ku dishay Xamar. N”abadoonka waxaan ku naqiinay odaynimo iyo xilkasnimo iyo alla ka cabsi. Waxaan ilaah uga baryaynaa inuu Jannadiisa ka waraabiyo, ahalkaba sabar iyo iimaan haka siiyo ayuu yiri” Xildhibaanka”.
Ehelka Nabadoonka ayaa Alshabaab ku eedeeyay dilka nabadoonka, iyadoo hore ay Alshabaab Muqdisho ugu dishay nabaddoono iyo waxgarad beeshan ka tirsan.
