Mid ka mida nabadoonnada beelaha Muqdisho ayaa qaab beeleed ku xaliyey xurguf u dhaxeysay saraakiil ka tirsan ciidamada Milatariga Soomaaliya oo dhowaan ku dagaalamay degmooyinka C/casiis iyo Kaaraan ee magaalada Muqdisho.
Waanwaan uu in muddo ah ka dhex maray waday saraakiishan Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa ugu danbeyn lagu soo dhammeeyay arrintii u dhaxeysay saraakiisha kala ah: Cusmaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole), Maxamed Cusmaan Joorre, Maxamuud Axmed Masdile iyo Abuukar Boonow.
Dagaalkii saraakiishan ku dhex maray Muqdisho 19-kii Disembar 2020 ayaa salka ku hayey dhaqaale lagu ururiyo koontroolo lacag looga qaadao Baabuurta xamuulka, waxaana ku dhintay in ka badan 10 qof, iyadoo aan la ogeyn waxa laga yeelayo qasaaraha ay u geysteen dadkii shacabka ahaa ee ay ku kor dagaalameen. (Akhriso Warkan)
Waxaa guuleysan waayey qorshe ay Hay’adaha Anmiga dowladda ku doonayaan inay kusoo qabtaan qaar ka mida saraakiishan oo markii danbe weerar ay kusoo qaadeen xarunta degmada Kaaraan ku dilay laba askari oo tirsan ciidamada Booliska.
Waanwaanta arrintan waxaa qeyb ka ahaa xildhibaan, taliye hore iyo Guddoomiye degmada Kaaraan, iyadoo ay tani caddeyn u tahay inay dowladda Federaalka awoodi weyday maareynta saraakiisha ciidamadeeda ee maalin cad ku dagaalamay gudaha caasimadda.
