Waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay oday dhaqameed caana oo da’a ah, kadib markii koox hubeysan ay toogteen.
Koox Bistoolado ku hubeysan ayaa degmada Yaaqshiid, gaar ahaan Suuq Bacaad ku Dishay Nabaddoon Muxumad Tarabi Shiikhow oo ah Waayeel 80-Sano jir ahaa.
Dilka Dableeydii fulisay ayaa Goobta ka Baxsaday,waxaana Goobta Dilku ka dhacay Gaaray Ciidamada Ammaanka Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in Nabaddoon Shiikhow uu ka mid ahaa Odayaasha soo xulaya Ergada Dooraneysa Baarlamaanka Soo socda.
Wadani.com