Wararka laga helayo magaalada Mudisho ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay nabadoon caan ah.
Dilka ayaa ka dhacay Isgoyska caanka ah ee Zoobe, Magaalada Muqdisho, waxaana dilka geystay kooxo hubeysan oo watay mid ka mid ah Gawaarida raaxada ah oo rasaas ku furay, waxaana nfalkaasi ku dhaawacmay oday kale oo la socday.
Nabadoonka la toogtay dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray C/laahi Axmed Rooble (Safaari), waxaana kooxihii dilka geystay ay ka baxsaadeen goobta uu falka ka dhacay.
Dilka loo geystay nabadoonka ayaa ahaa mid ka dhacay meel ay ka dhow yihiin ciidamada dowladda, waxaana muddooyinkii danbe sii kordhay falalka lagu ugaarsanayo odayaasha dhaqanka xilligan doorashada lagu jiro.
Wadani.com