Kooxo hubeysan ayaa galabta dhaawac u geystay nabadoon ka mid ahaa ergadii soo doortay Xildhibaanada Baarlamaanka.
Nabadoonka oo lagu magacaabo Nabadoon Cismaan kheyre ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa ergadii Galmudug ee magaalada Cadaado kusoo dooratay Xildhibaanada.
Kooxda hubeysan oo doonayay inay khaarijiyaan ayaa nabadoonta rasaas ku furay, waxayna ka baxsadeen goobta, iyadoo uu dhaawac noqday.
Falkan ayaa kadhacay Xaafada Cali Kamiin ee Degmada Wardhiigley, wuxuuna ka mid yahay falal khaarijin ah oo maalmahan ku soo batay magaalada Muqdisho.
Wadani.com