Wararka laga helayo magaalada Muqdisho aya sheegaya in caawa lagu dilay nabadoon ka mid ahaa ergadii doorashada xildhibaanada Soomaaliya.
Nabadoonkan ayaa la sheegay in lagu weeraray guurigiisa oo ku yaala degmada Xamarjajab ee magaalada Muqdisho kadib markii ay ugu galeen kooxo dabley ah oo Bistoolado ku hubeysan.
Nabadoonka la khaarijiay ayaa lagu magacaabi jiray Nabaddoon Cabdi Cumar Ibraahim, wuxuuna ka mid ahaa ergadii Koofur Galbeed ee soo doortay Xildhibaanada Soomaaliya.
Waa markii ugu horeysay ee weerar noocan ah lagu dilo nabadoon lagu weeraray gurigiisa, laguna dhex dilo. Ma jirto cida sheegatay weli dilka nabadoonka.
Wadani.com