Friday, May 16, 2025

Nabadsugidda Soomaaliya oo sheegtay inay qabatay Liibaan Xaaji Maxamed (Sidee ku soo gacan galay?)

Hay’adda Nabad sugidda Qaranka NISA ayaa maanta shaacisay inay gacanta ku hayso Liibaan Xaaji Maxamed oo lagu tuhunsan ahay inuu ka tirsanaa kooxda Al-shabaab kaas oo Hay’adda  denbi baarista Mareykanka ee FBI ay ku dartay liiska kooxaha Argagaxisada ee la baadi goobayo, iyadoo madaxiisa ay dul dhigtay lacag dhan 50,000 (Konton Kun) oo dollar.

Hay’adda nabad sugidda Soomaalida iyo Sirdoonka Mareykanka ayaa  lagu sheegay warka kasoo baxay NISA inay mudo dusha kala socdeen dhaqdhaqaaqa Liibaan Xaaji oo la qabtay markii uu kasoo safray Gobolada Jubbooyinka oo kuna sii jeeday magaalada Muqdisho.

wanted01

Ad

[ad name=”HTML-3″]

Ninkan waa 29 Jir heystaa Dhalashada Dalka Mareykanka, wuxuuna ku noolaa oo Taksiile ka ahaa Waqooyiga Magaalada Virginia ee Gobolka Washington, wuxuuna mar kaliya ka baxay Mareykanka isagoo raadkiisu ku lumay dalka Kenya. Waa nin aad  u kala yaqaana garoomada, xarumaha tareenada iyo dhismooyimna waaweyn ee dalka  Mareykanka gaar ahaan Virgina (Washington)

Lama oga sababta aanay hore ugu shaacin NISA arrinta ninkan oo keenay inay sheegto kadib markii dalka Mareykanka iyo CIA-da ay shaaca ka qaadeen in la qabtay Liibaan Xaaji Maxamed, laakiin waxaa la wada ogyahay in Sirdoonka Mareykanka la shaqeeyo kan Soomaalida.

- Advertisement -

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

[ad name=”HTML-5″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON