Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Haddaad Nasiib leedahay Mudullood Abti hakuu noqdo! (Qormo ku socota Xawaadle)

    Haddaad Nasiib leedahay Mudullood Abti hakuu noqdo! (Qormo ku socota Xawaadle)

    March 30, 20166 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    ei (Webi) laga soo billaabo G/dhexe ilaa Jubbooyinka  miyi iyo magaalaba waa dhex ceeggaagan, waa mushtamac laga dhex helayo nuuc kasta oo bulsho ay ka kooban tahay. waa albaab furan, qofkii soo gallo ha noqdo mid la dhalay iyo mid aan la dhalinba, waa ku dhex noollaan karaa, dhex degi karaa, wax ka noqon karaa, lama faqquuqo, lama dillo, lama caayyo, weliba haduu geysto dil reer abtiyaashish (Mudullood) waa la cafiyaa (4 faataxo)… Intaasoo dhaqan wanaag  iyo samir ah beesha Mudullood, waxaa hadane markasta ka soo gaarra af xummo aan loo meel dayan, iyadoo loo arko nacasnimo iyo dadnimo xummo.

    Aan is weydiinee maxaa ku qasbaya dulqaadkan iyo ixtiraamkan tiro dhaafay??? Waxaa ku qasbaya oo taakkeynaya laba shey oo labaduba ay u yihiin dhaqan. Waa tan koowaade, waa Bulsho aaminsan Hiddaha iyo Dhaqankii hore ee suubban kamana tagaan, ee ahaa is ixtiraam, wada noollaasho, Marti jaceyl, wax wada cunnis iyo soomaalinnimmo. Magac iyo masiibo mar buu raacaaye, Sayid Maxamed C/lle Xasan asiga oo dadka koofur daga socdaallo ku dhex maraya, ayuu soo gaaray deeggaano badan oo Mudulloodku dhex ceeggaaggan, reerku ku soo dagaba, inta la soorro la dharjiyo, ayaa hadana la amba bixiyaa. Markaasuu yiri ”Alleylahee dad lama doorriyee derisnimo Abgaal baa le” (Mudullood).

    Waa tan labaade, waa bulsho barashada cilmiga diinta ku weyn tahay, diintuna ay u tahay dhaqan lagu dhaqmo. Mishaa’iq badan oo soomaaliya caan ku ah ayaana ka soo jeedda. Bal adigu is weydiiyoo bulsho caynkaa dhaqankeedu yahay xad gudub intee le’eg ayaa laga filan karaa?

    Aan u dhaadhacee, cinwaanka maqaalka ee ah, “NASIIB HADAAD LEEDAHAY MUDULLOOD ABTI HAKUU NOQDO” waxaan ku keennay, Mudullood waa dhibane lagu dul socdo, la dilayo, la qarxinayo, la barakicayo, siyaaddiina heer lagu ajaafeeyo, lagu af lagaadeeyyo, waxaana ugu sii daran midkey dhalaan iyo midkey soo barbaariyaan “Bahal nool ninkii barbaarshay ka fakay ama boqonno gooy”  Waayyadan waxay maqaayaddu u shidan tahay, Xildhibaan C/laahi Goodax Barre, ma rabbo inaan dhaqanka suubani  ka tago, wuxuu yahayna asigaa isa sheegey tilmaan iigama baahna.

    Darajada iyo maqaamka siyaasadda meeshuu ka gaaray, abaal ugumaba hayee (Dhibane Mudullood) ayaa gaarsiiyay ama si kale aan u iraahdee “ Ilmo” Xawaadle Maxamed Hiyood Wawale, abtiyaashod ee ah Mudullood (Daaro-Mudullood) gaar ahaan Madaxweyne Sh. Shariif Sh. Axmed iyo Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuuud. Darajada ugu sarreysay ee la gaarsiiyo waa Wasiirka Arrimaha Gudaha, bal is weydiiyo Goodax ama qoys ahaan taariikhda laga soo bilaabo xoriyaddii ee ay dowlad soomaaliyed curatay.

    Wasaaradda Arrimaha Gudaha waa markii ugu horeysay laakin abbaal dhace uguma horeeyo ee abti loo noqdo. Rag ra’isul wasaarayaal soo noqday ee Mudullood dhaleen baa sariigtay! Iskaba daa, bahalada kale ee la soo barbaarshay ee Xoosh Jabriil oo Xildhibaan ah iyo Fu’aad Shoongale oo waagii Dhalinyaraddu xamar ku awood badneyd yiri qabiilka degga Xamar ilaa G/dhexe hantidooda waa qanniimo dhiigooduna waa banana yahay. Waanney  dhacday!

    Goodax Mediaha haduu soo istaagaba, xishood la’aan iyo ajaafeyn shaqsi iyo mid qoys Ayaan laga maareyn Karin, Madaxweyne Xasan Hadey dhaliyo ku riixxayaan, Madaxweyne SH. Shariifna markuu Hiiraan dhahayay laba gobol halaga dhigo, malaha asigana xaas buu ka qabay wax kale uma hayee!!!!! C/laahi Goodax Barroow wax baan ku xasuusinayaa, tolkaadana dad fiican baa ka buuxa, balse nasiibkaa ka xumaaday dhanka siyaasadda laga soo bilaabo 1960-kii ilaa maantadan, kii siyaasadda u soo galaba waa laga ashahaataa!!!

    Waxaan ku xasuusinayaa abtiyaal taariikhda dad qorra, oo mutacalimiin baa ka buuxa, caassina adiga uguma horeysid, Dilkii allaha u naxariiste Jeneraal Salaad Gabeyre Kadiye, markuu damacsanaa inqilaab labaad, waxaa fashiliyay oo uu saaxiib ka dhigtay, “Jeneraal Nuur Caddow Cali” Dhalasho hoose “Cabdi Yuusuf” asigoo Minjir ah, jaajuusnimaddii ayuu ku helay  dalacaad Jeneraal iyo Abbaanduulkii X.D.S., ka hor intaan sirta loo geyn Maxamed Siyaad Barre,  wuxuu la tashaday Siyaasiyiintii kale sida, Sh. Cali Jimcaale, iyo Cismaan Maxamed Jeelle G.S.K labaduba xogta la hayo ayaa dhigeysa, in ay amreen in uu u gudbiyo Macalinkii Aabaha Kacaanka, sidaasina uu ku helay dalacaad.

    Muddo yar dabadeed waxaa laga dhigay Nuur Caddow Cali “Buul” howlgab, markii lagu jid maray,  xaqii abti baa ka soo baxay, waxaa ku dhacay xanuunka Baraska, wuxuu farmashi ku lahaa, Km.4, labadii Miig ee dilkii Culumada kadib isku dhacay mid waxaa waday wiilkiisii uu ifka ugu jeclaa kuna dhintay, wiilkii ka yaraa ee uu dhalay Nuur Caddoow Cali, asigoo aabbihis kala hadlaya u dhuumashada Maxamed Siyaad ayuu ku yiri “Waagga haduu baryo Maxkamad Ayaan ku saarayaa” asigana sun ayuu cabay sidaasi ayuu wiilkiisii labaad ku dhintay, aroortiina iyadoo ay warqad xabadka u saran tahay ayaa loogu tagay qolkisii. NASIIB HADAAD LEEDAHAY MUDULLOOD ABTI HAKUU NOQDO, wiil kama xumaado, Dib u raac taariikhdii madoobeyd ee Cismaan Maxamed Jeelle, markii gabadh uu dhalay loo doonnay  nin injineer (Mudullood) ah, magaciisa aanan sheegeyn, Jeelle iyo odoyaashii wax kala raacay, weliba markii danbana Xuseen Kulmiye Afrax oo G.S.K ay iskula jireen loo kaashaday iyo hadane ajaafeyntii abtinimmo loo geystay! Cajiib!!!

    Burburkii dowladii dhexe 1991, Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed, oo asiguna ilaalinaya Abtinimada, wuxuu ku dhoobay wasiiro miisaan culus ilmo Xawaadle Maxamed Hiyood Wawale, weliba intuu kala qaaday Duqqa iyo governatorraha Gobolka, ayuu ugu daray Governatore Gobol. Abaal dhicii wuxuu isku badalay in ay ka doortaan, dowladii salbalaar ee aan sharci ahayn, welibana wasiir loogaga dhigay Muumin Giriig, Muumin Giriig waxaa uu ahaa Goomiiste, sandaqad u furan tahay, waxayna raali ku noqdeen in uu siyaasi u noqdo, is barbar dhig Tii Cali Mahdi oo sharci ahayd qiimana loo yeellay iyo waxa ay doorteen iyo shaqsiga, kamaba hadlayo colaadihii iyo taariikhda qoran.

    Duuliyye Sare Cabdi Cismaan Faarax, oo ahaa siyaasi burbur ku noolle ahaa, wuxuu yiri qofkii lagu arko lacagta N waa dil!, ilahay waxow qadaray asigoo qax ah, in uu orod ku soo galo xaruntii qaabilaadda qaxootiga (Kaaraan) in loo shido cajaladii abtiyaalna cafis weydistay ee weliba loogu abaal guday Adiga iyo dadkaaguba ilmahayniyaa tihiin soo dhowaadha, Daarrihii dhaadheeraa ee Degmada C/casiis la dejiyo, habeen habeenada ka mid ah anigaaba xasuusto 1000 joodari loo soo qaaday, iyo cunto iyo agab ku filan Cajiib! NASIIB HADAAD LEEDAHAY MUDULLOOD ABTI HAKUU NOQDO.  Ma rabbo in qoraalka ila sii tago, kamana hadlayo safiirada iyo amnigii gacantiina galay, waxanse door bidi lahaa, Madaxweyne Xasanoow, dadkaaga u eexo kuma dhahayo oo waa cadaallad daro in aad ugu eexatana waa cadaallad darro, aaqirana laguuma cafin danbiga midkaad u eexataba! Lug qabashada daay, Gobolkii Hiiraan ee aad Ciidan xoog badan u dhistay, mid lamida ayay dadkaagiina dhulkooda weli la haysto kaaga baahan yihiin oo cadaallada ku jirta!

    Afeef: Qoraalkan waa mid igu kooban Reer ama qoys kuma xadgudbin laakin shaqsiyaad siyaasadda ku fashilmay yaan soo daliilshaday, hadiise loo qaato cafwan!

    W/Q: Samatalis Xiriirshe

    [email protected]

     

    FIIRO GAAR AH: Aragtida Qoraalka wuxuu gaar u yahay qofka ku qoran 

     

    Haddaad Nasiib leedahay Mudullood Abti hakuu noqdo! Muddulood
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleWARBIXIN: Shaqaale Turki ah oo dhimasho & dhaawac ka soo gaaray weerar ka dhacay Muqdisho
    Next Article Two hundred Somali police recruits graduate in Baidoa

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo