Waxaa goor dhoweyd la shaaciyey tirakoobkii laga qaaday dadweynaha Kenya, iyadoo tirada dadka dalkaasi ay gaaray in ku dhow 48 Milyan oo qof.
Guddiga qaran ee tirakoobka dalkaasi ayaa ku dhawaqay in tirada dadka Kenya ay gaareyso 47.6 Milyan oo qof, iyadoo tirakoobkii ugu danbeeyay oo dalkaasi laga sameeyay sanadkii 2010-ka ay ahayd tirada dadka Kenya 38.6 Milyan oo qof, waxaana ku kordhay in ka badan 9 milyan oo qof.
Waxaa tirakoobka ugu danbeeyay dalka Kenya laga qabtay intii u dhaxeysay 24 iyo 25 bishii Ogost 2019, iyadoo xilli habeen ah la sameeyay.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo si toos ah ula hadlay dadka dalkaasi ayaa sheegay muhiimadda uu leeyahay tirakoobka cusub ee dadka Kenya, wuxuuna faray hay’adaha qorsheynta inay natiijada soo baxday ku saleeyaan qorsheyaashooda horumarineed.