Nin dhowaan Bistoolad u adeegsaday dad bannaanbax ka dhigayey Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho ayaa la xaqiijiyey inuu ka tirsanaa ciidamada Booliska, isla markaana loo xiray falkaasi.
Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Xassan Xundubey Jimcaale ayaa sheegay in Ninkaas la qabtay, oo ay gacanta ku hayaan Hay’addaha Amniga, wuxuna xaqiijiyey inuu ka tirsanaa ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
”Ninkan waa la soo qabtay Booliska ayuu ka tirsanaa, dharcad ayuuna xirnaa. Sharciga ayaa la marsiinayaa, sharcigana cid ka weyn ma lahan, qaladkana waa dhacayaa, cid kasta ayuu ka dhacayaa. Ninkaas waxaa laga qaatay go’aankii ku habboonaa,” ayuu yiri Wasiir Xundubey oo la hadlay VOA-da.
Ninkan dadka qaar magaciisa ku sheegeen Bashiir ayaa xilliga uu rasaasta ridayay xirnaa dhar shacab, waxaana falkaasi uu si weyn u qabsaday baraha bulshada iyadoo aanay dowladda Federaalka xilligaasi wax Wararka ayaa sheegaya war ah kasoo saarin.
Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa beeniyay in ninkaasi la xiray, isla markaana la ogyahay inuu bannaanka joogo oo lagu arkay Madaxtooyada aageeda, warka kasoo yeeray wasiirka Amnigana aanu sax ahayn.
