Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in caawa halkaasi lagu dilay nin ka mida bulshada rayidka.
Dabley bistoolado ku hubeysan ayaa magaalada Beledweyne ku toogasho ku dishayn nin magaciisa lagu sheegay Ibraahim Cismaan Muumin oo la sheegay inuu ka howlgalo urur NGO ah oo dayactir ku wada Tiyaatarka Qaranka magaalada Beledweyne.
Dableyda dilka ayaa marxuumka dhowr rasaas ah ku furay isagoo ku sugnaa xaafadda Howlwadaag ee magaalada Beledweyne, kadibna waxay ka baxsadeen goobta. Ibraahim ayaa ahaa nin caan ka ah magaalada.
Ma jirto cid loo qabtay falkan inkastoo ciidamada ammaanka magaalada ay baaritaan ka sameeyaan goobta dilku ka dhacay.