Degmada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa lagu qabtay nin Shalay Saddex qof oo shacab ah ku dilay degmadaasi maalintii shalay ayayd kadibna baxsaday.
Wararka ayaa sheegaya in Ninkan gacan ku dhiiglaha ah ay soo qabteen ehelkiisa, iyadoo ku wareejiyay Odayaasha iyo Maamulka degmada Caabudwaaq ee Galmudug oo hadda xabsiga u taxaabay.
Shirar looga hadlayo xaaladda magaalada ayaa dhex maray Odayaasha iyo Mas’uuliyiinta Maamulka ee taabacsan Galmudug.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug ayaa ku howlan daminta xiisada colaadeed ee ka taagan Caabudwaaq.
Wadani.com