Nin hubeysan ayaa rasaas ku furay Kaniisad ku talla magaalada Texas ee dalka Mareykanka goo dhoweyd, waxaana la soo weriyay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Weerarka ayaa ka dhacay Kaniisada Baptist ee ku taalla degaanka Sutherland Springs ee Wilson County. Waxayna warbaahinta Mareykanka sheegtay in ninka hubeysan uu kaniisadda galay kadibna uu bilaabay inuu rasaas ku furo dadkii ku jiray.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in weerarka lagu dilay 20 qof, iyadoo rasaas is daba joog ah laga maqlay; waxaana goobta xiray ciidamada ammaanka iyadoo isna la toogtay oo la dilay ninkii weerarka geystay.
Weerarkan ayaa noqonaya mid kale oo qasaare weyn kasoo gaartay dadka Mareykanka iyadoo dhowaan ay ahayd markii gaari xamuul ah la jiirsiiyay dadweyn ku sugnaa magaalada New York oo lagu dilau 8 qof.